Waa Maxay Dhaqaalaha Buluugan

Waa Maxay Dhaqaalaha Buluugan
  • PublishedNovember 30, 2023

Hore ma u maqashay magaca  cusub ee   Qaarada africa loo bixiyey.
Magacyo badan ayaa africa loo yaqaan, lkn magcan ugu caansan waa  “qaaradda madow”  oo looga jeedo midabka dadka ku nool. lkn magacan cusub ayaa modooyinkan danbe soo shaacbaxay. u jeedadada loogu bixiyey ayaa ah khayraadka faraha badan ee yaala qaarada africa ,gaar ahaan wax soosaarka badaha.

Shirkan waxan lagu qabtay wadanka morocco cinwaankiisu wuxuu ahaa “Blue Africa summit ” ama shirka africada buluuga ah. Qaban-qaabiyaasha shirka ayaa sheegay in shirku xooga saarayo waxsoo-saarka badaha iyo ka ilaalinta wasakhowga badaha.

Adduunka hada waxa ku soo kordhay nooc cusub ganacsi ah, oo si weyn isha loogu hayo sidii loo xoojinlahaa, kaasoo ah waa dhaqaalaha buluugan  ama (blue economy).

Dhaqaalaha buluuga ah waa eray bixin  dhaqaale  oo la xidhiidha ka faa’iidaysiga, ilaalinta iyo dib u soo noolaynta deegaanka badda iyo xoojinta xalka waara ee badaha.

Markii ugu horeysay ee la maqlo ereygan waxay aheyd shirkii qaramada midoobey  ee lagu qabtay dalka Brazil 2012 kii, ula jeedka ayaa ahaa hirgelinta dhaqaale waara  iyo ka hortaga waxyeelada deegaanka.

Ganacsigan ayaa xooga lagu saarayaa :

  • Kalluumaysiga
  • Xanaaneynta noolaha badda
  • Nabad gelyada badaha
  • Shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah

Somalia waxay ka mid tahay wadama ugu haboon ka faaiidaysiga dhaqaalaha buluugan.
Waa sababta magaca wasaarada kalluumaysiga soomaliya loogu bedelay,
Wasaaradda kalluumeysiga & dhaqaalaha buluugga ah.

Written By
JiilPlus

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *