Hore ma u maqashay magaca cusub ee Qaarada africa loo bixiyey.
Magacyo badan ayaa africa loo yaqaan, lkn magcan ugu caansan waa “qaaradda madow” oo looga jeedo midabka dadka ku nool. lkn magacan cusub ayaa modooyinkan danbe soo shaacbaxay. u jeedadada loogu bixiyey ayaa ah khayraadka faraha badan ee yaala qaarada africa ,gaar ahaan wax soosaarka badaha.
Shirkan waxan lagu qabtay wadanka morocco cinwaankiisu wuxuu ahaa “Blue Africa summit ” ama shirka africada buluuga ah. Qaban-qaabiyaasha shirka ayaa sheegay in shirku xooga saarayo waxsoo-saarka badaha iyo ka ilaalinta wasakhowga badaha.
Adduunka hada waxa ku soo kordhay nooc cusub ganacsi ah, oo si weyn isha loogu hayo sidii loo xoojinlahaa, kaasoo ah waa dhaqaalaha buluugan ama (blue economy).
Dhaqaalaha buluuga ah waa eray bixin dhaqaale oo la xidhiidha ka faa’iidaysiga, ilaalinta iyo dib u soo noolaynta deegaanka badda iyo xoojinta xalka waara ee badaha.
Markii ugu horeysay ee la maqlo ereygan waxay aheyd shirkii qaramada midoobey ee lagu qabtay dalka Brazil 2012 kii, ula jeedka ayaa ahaa hirgelinta dhaqaale waara iyo ka hortaga waxyeelada deegaanka.
Ganacsigan ayaa xooga lagu saarayaa :
- Kalluumaysiga
- Xanaaneynta noolaha badda
- Nabad gelyada badaha
- Shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah
Somalia waxay ka mid tahay wadama ugu haboon ka faaiidaysiga dhaqaalaha buluugan.
Waa sababta magaca wasaarada kalluumaysiga soomaliya loogu bedelay,
Wasaaradda kalluumeysiga & dhaqaalaha buluugga ah.
