Sidee loo xoojinkaraa waxsoosaarka dalka, iyo ka ganacsiga khayraadkiisa?

Sidee loo xoojinkaraa waxsoosaarka dalka, iyo ka ganacsiga khayraadkiisa?
  • PublishedNovember 7, 2023

Beeraha, Xooolaha iyo kalluunka .waa ilaha dhaqaale ee Soomaalidu ku tiirsantahay , ku dhowaad 26.28% ayaa ku tiirsan tabcashada beerashada , halka waxsoo-saarka beeraha lagu qiyaaso ku dhowaad 40% .sida ay sheegtay trading economics .

In kabadan 65% ayaa somalida ku tiirsan xoolaha nool ,taasi waxay keentay in 80% waxyaabaha debeda loo dhoofiyo ay noqdaan xoolaha nool, sida: Ariga ,lo’da iyo Geela.

Kalluunka ayaa ka mid ah waxsoo-saarka dalka ,lakiin tira aad u yar ku tiirsan shaqada kalluunka oo u dhiganta , 0.3% dadka soomaaliyeed . waxsoo-saarka kallunka ayaa lagu qiyaasay 2% .sida ay qortay SATG | Somali Agriculture Technical Group.

Shirkado aan badneyn ayaa ka ganacsada waxsoosaarka dalka sida : dhoofinta dalaga beeraha iyo xoolaha nool, halka qaar kale ay ka ganacsadaan xabkaha iyo faleenka oo ka mid ah badeecadaha debeda loo dhoofiyo.

Taariikh soo jireen ah ayey Soomaaliya ku leedahay dhoofinta macdanta iyo maydiga oo ka mid ah khayraadka dalkeena Ilaahay ku manaystay.

Si loo dhiiri geliyo ganacsatada soomaaliyeed ee ku howlan kobcinta waxsoosaarka dalka , ayaa shirkada hormuud waxa ay soo qaban qabisay Shirweynaha sanadalaha ah ee dhiirigelinta waxsoosaarka dalka , oo ka qabsoomay magaalda Mogadishu.

Shirkan ayaa lagu lafaguray hanaanka ganacsiga toolmoon iyo xal u helida caqabadaha hortaagan ganacsatada Soomaaliyeed . intii uu socday shirku waxa lagu soo bandhigay cilmi-baaris ganacsi iyo aragtiyo ku aadan qaabka ugu fudud ee loo xoojin karo waxsoosaarka dalka.

Qaar ka mid ah ganacsiyada guuleysatay ayaa abaalmarino la gudoonsiiyey ,shirkadaha guuleystay ayaa xooga saara: kalluunka ,dalaga beeraha,Hilibka,Caanaha,xabkaha iyo faleenka.

Axmed warsame oo ka tirsan ah maamulka shirkada Al-khlaas ayaa sheegay in shikarkadoodu hayso laba shaqo oo muhiim kuwaas oo kala ah: ka ganacsiga dalaga beeraha iyo waxbarista beeraleyda Soomaaliyeed .waa sababta keentay in shirkkadani guulaysato.

Xirsiyo cabdulle waa mulkiilaha shirkada somfresh oo ka ganacsata khudaarta waxa ay sheegtay in shirkadeedu kaalin mug leh kaga jirto xoojinta dalaga beeraha iyo hubinta tayada khudaarta ,waxay intaas ku dartay in shirkadeedu shaqa abuur u samaysay haween badan oo soomaaliyeed ,sidoo kale ku caawisay iney samaystaan ganacsiyo ay gaar u leeyihiin.

Haweenka ayaa kaalin weyn kaga jira ganacsida yar yare ee guuleytay guud ahaan Soomaaliya.

Sanadkii 2022 waxsoosaarka gudaha ayaa gaarey 8.13 bilion dollar sida uu sheegay world bank ,

2023 wuxuu gaarey 2.8% , sanadka 2024 waxa la filayaa inu gaaro 3.7%
Tirada dadka soomaliya ayaa lagu qiyasaa in ka badan 18 million ,ku dhowaad 70% waxa soo gala maalintii wax ka yar $2.5 taas oo macneheedu yahay in saddexmeelood oo laba meelood ay ku noolyihiin xaalad saboolnimo ah. Sida uu sheegay world bank.
Soomaaliya ayaa ah dal khayraadkiisu badan yahay ,laakiin u baahan maalgashi xoogan si looga boxo shaqa la’aanta iyo saboolnimada.

Written By
JiilPlus

1 Comment

Leave a Reply to admin Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *