Abaalmarinada CAF 2023 Oo Labixiyay Sidee Loogu kala Guuleystay?

Abaalmarinada CAF 2023 Oo Labixiyay Sidee Loogu kala Guuleystay?
  • PublishedDecember 12, 2023

Ciyaartoyga weerarka uga Dheela Naadiga Napoli ee Victor Osimhen ayaa ku guulaystay Ciyaartoyga ugu fiican Qaarada Africa sanadka 2023.

Abaalmarintan ayuu ku guulaystay markii ugu horaysay, isagoo ku garaacay Weeraryahanka Kooxda Liverpool ee Mohamed Salah iyo Difaaca kooxda PSG ee Hakimi.

Abaal-marinta da’a yarka ugu fiican Africa ee sanadka 2023 waxaa ku guuleystay laacibka u dhashay dalka Senegal ee Lamine Camara.

Halka Goolhayaha Xulka Marocco ee Yassin Buno isaguna ku guulaystay Goolhayaha ugu fiican qaarada Africa ee sanadka 2023. Gool hayaha kooxda Al-Hilal ayaa abaal-marintan ku garaacay gool-hayaha Manchester United, Andre Onana iyo Shabaq ilaaliyaha reer Masar, Mohamed El Shenawy.

Sidoo kale Macalinkii  ugu wanaagsan Qaarada Africa Sanadka 2023, waxa ku guuleystay Walid Regragui oo hogaamiya xulka Morocco, kadib markii xulka Marocco Uu keenay afar-dhamaadka Koobkii Adduunka ee lagu qabtay waddanka Qatar.

Shaxda ugu fiican qaarada Africa Waxaa laga soo xushay shax laga doortay 11 xiddig ee ugu fiicna Sanadkan 2023. Waxaa shaxdan lagu qiimeeyay qaab ciyaareedka xiddigaha ee kooxohooda iyo xulalkooda sanadkan.

Xulalka Cameroon, Morocco, Ghana iyo Senegal ayaa shaxdan ku leh Ciyaartoyda ugu badan iyaga oo ku leh min 2 xiddig, Halka Xulalka Congo, Masar, Nigeria ay dhinacooda shaxda ku leeyihiin min hal xiddig.

Naadiga ugu wanaagsan Africa Sanadka 2023 waxaa ku guuleysatay kooxda Al Ahly.

Markii ugu dambaysay ee Al Ahly ay ku guulaysato abaal-marintan waxay ahayd toban sano ka hor  2013-kii. Abaalmarintan  ayaa noqonaysa markii lixaad ee kooxda reer Masar ay ku guulaysato abaal marinta kooxda ugu fiica sanadka ee CAF Awards.

Dalka Morocco ayaa ku guuleystay xulkii ugu wanaagsanaa Qaarada Africa 2023. kadib markii ay Soo Tiigsaden afar-dhamaadka Koobkii Adduunka ee lagu qabtay waddanka Qatar.

Written By
JiilPlus

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *