
Soomaalidu waxay dhehaan “waa xaraash iyo xoola jaban “ maxa laga wadaa?
Sheygaasi waa xaraash marka aan maqalno waxa niyadeena ku soo dhacaya waa wax qiimo jaban lagu iibinayo, ama wax ka khaldanyihiin, sida alaab ciladaysan, ama la gadan waayey kadibna sidaas qiima jaban lagu xaraashayo, laakiin arrintu sidaas maaha inta badan.
Waa maxay “xaraash” ?
Xaraashku waa hab lagu iibiyo hantida ma guurtada ah ama mid aan ma guurta aheyn iyadoo loo soo bandhigayo si daah furan, waxa u tartamaya shirkadaha iibsanayaa hantidaas ama shakhsiyaad, qiimaha ugu danbeeya ee alaabta waxa lagu go’aamiyaa tartan u dhexeeya iibsadayaasha daneynaya.
Qaabab kala duwan ayuu u dhaca xaraashka dadweynuhu, sida xaraashka hantida ma guurtada ah, xaraashashka farshaxanka, xaraashka baabuurta, xaraashka safamalka. Xarashaaka waxa soo qaban qaabiya xirfadlayaal ama dawlado, ama hay’ado sharci oo karti u leh.
Wax ku iibinta habka xaraashka waa qaab ganacsi oo dadka wax iibinayaa ku helaan qiimaha ugu sareeya shayga ama badeecada la iibinayo. sidoo kale iibsadayaashu waxay heli karaan alaab ka qiima jaban mida suuqa taala, sababta oo ah tartanka u dhexeeya iibsadayaasha.


Sidee loo sameeyaa xaraashka ?
Xaraashka waxa muhiim ah in la ogeysiiyo dadka hantida la xaraashayo noocyada ay ka koobantahay Sidoo kale waxa la sheegaa taariikhda iyo goobta lagu qabanayo si ay dad weynuhu uga soo qeybgalaan xaraashka.

Si uu u qabsoomo xaraashku waxa muhiim ah in la raaco talaabooyinka:
- 1. In la sheego shayga ama hantida lagu iibinayo xaraashka
- 2. Shuruudaha xaraashka, wakhtiga la qabanyo, tirade alaabta qiimeheeda IWM
- 3. Xayeysiinta xaraashka iyo diiwaangelinta iibsadayaasha doonaya iney galaan
- 4. Kormeerista iyo hagista tartamayaasha
- 5. Sheegista ku guuleysataha xaraashka iyo diiwaan gelinta habka lacag bixinta
Waxtarka iibka xaraashka
- 1. Shirkadaha qaabka xaraaashka wax ku iibiya si degdeg ah ayey uga faa’iidaan
- 2. Alaabta la iibinayo oo si dhakhsa ah ku dhamaata
- 3. Fursada ay ka faa’iidaystaan dukaameystayaashu oo ku helaan alaabtii ay rabeen
Khasaaraha iibka qaabka xaraashka wax loo iibiyo waxaa ka mid ah :
- 1. In qiima jab ku dhaco alaabta xaraashka
- 2. Iney diidaan ganacsato kale oo raba in aan alaab qiima jaban lagu iibin suuqa
- 3. In qiima ka badan kan suuqa lagaaga iibiyo alaabtii xaraashka ahayd
Xaraashyada adduunka ugu caansan
Waxa jira xaraashyo caalami ah oo magac weyn adduunka ku leh wax aka mid ah:
- 1. Chirstie’s : waxa la bilaabay 1766 dii, waa xarunta ugu caansan adduunka ee xaraashka Waxa lagu iibiyaa waxyaabaha farshaxanka, dahabka iyo qalabka taariikhiga ah.
- 2. Xaraashka Sotheby: waa xarun caalami ah oo lagu xaraasho waxqabadka fanaaniinta, dahabka iyo waxyaabaha la isku qurxiyo, waxa la asaasay 1955 kii.
Horumarka adduunku gaaray darteed waxa jira xarumo alaabaha lagu xaraasho oo Internet-ka dhexdiisa.
Hadaba soomaaliya ma leedahay xaruma caan ah oo lagu iibiyo alaabaha xaraashka ah ?