Hormuud Oo ku Guulaysatay Abaalamarin Caalami ah
Somaliya ayaa abaalmarin caalami ah ku guulaysatay.
In badan dhegeheenu waxay maqlaan somaaliya oo lagaga Guuleystay ,tartamada adduunka sida ciyaaraha ,waxbarashada, dhaqanka iyo waxyaabo kale.
Laakin maanta sheekadu sidaas waa ka duwantahay.
shirkada isgaarsiinta ee hormuud ayaa ku guuleysatay abaalmarinta isgaarsiinta adduunka.
Tartankan ayaa waxa ka qayb galay wadamada kala ah Germany,Spain,Bahrain,Uk iyo Singapore.

Shirkadaha ay hormuud ka guulaysatay ayaa kala ah :
- 𝐃𝐞𝐮𝐭𝐬𝐜𝐡𝐞 𝐓𝐞𝐥𝐞𝐤𝐨𝐦 (Germany )
- 𝐌𝐚𝐬𝐌𝐨𝐯𝐢𝐥 𝐓𝐞𝐥𝐞𝐜𝐨𝐦 (𝐒𝐩𝐚𝐢𝐧)
- 𝐂𝐨𝐥𝐭 𝐓𝐞𝐜𝐡𝐧𝐨𝐥𝐨𝐠𝐲 𝐒𝐞𝐫𝐯𝐢𝐜𝐞𝐬 (UK)
- 𝐁𝐚𝐡𝐫𝐚𝐢𝐧 𝐍𝐞𝐭𝐰𝐨𝐫𝐤 (𝐁𝐚𝐡𝐫𝐚𝐢𝐧)
- 𝐊𝐚𝐜𝐢𝐟𝐢𝐜 𝐁𝐫𝐨𝐚𝐝𝐛𝐚𝐧𝐝 𝐒𝐚𝐭𝐞𝐥𝐥𝐢𝐭𝐞𝐬 (𝐒𝐢𝐧𝐠𝐚𝐩𝐨𝐫𝐞)
Xaflada abaalmarinta ayaa lagu qabtay magaalada Amsterdam ee wadanka netherland.
Abaalmarintan ayaa waxa bixisa shirkada 𝐓𝐨𝐭𝐚𝐥 𝐓𝐞𝐥𝐞𝐜𝐨𝐦 ee fadhigeedu yahay Dalka Ingiriiska waxa ay ku abaalmarisaa hoggaamiyayaasha shirkadaha isgaarsiinta caalamka ee ku guuleystay horumarinta isgaarsiinta iyo teknoolajiyadda Dalalkooda.

Gudoomiyaha shirkada Hormuud Ahmed Mahmoud Yusuf ayaa gudoomay bilada abaalmarinta.
Shirkada hormuud oo war qoraal ah ka soo saartay abaalmarinta ayaa sheegtay “Waa guul taariikhi ah oo Guddoomiyaha Shirkadda Hormuud Telecom uu Soomaaliya iyo isgaarsiinta Dalkeena uga soo hooyay tartanka Abaalmarinta Isgaarsiinta Adduunka iyo Afrika.”
