Hormuud Oo ku Guulaysatay Abaalamarin Caalami ah

Somaliya ayaa abaalmarin caalami ah ku guulaysatay.
In badan dhegeheenu waxay maqlaan somaaliya oo lagaga Guuleystay ,tartamada adduunka sida ciyaaraha ,waxbarashada, dhaqanka iyo waxyaabo kale.

Laakin maanta sheekadu sidaas waa ka duwantahay.
shirkada isgaarsiinta ee hormuud ayaa ku guuleysatay abaalmarinta isgaarsiinta adduunka.

Tartankan ayaa waxa ka qayb galay wadamada kala ah Germany,Spain,Bahrain,Uk iyo Singapore.

Shirkadaha ay hormuud ka guulaysatay ayaa kala ah :

Xaflada abaalmarinta ayaa lagu qabtay magaalada Amsterdam ee wadanka netherland.

Abaalmarintan ayaa waxa bixisa shirkada ๐“๐จ๐ญ๐š๐ฅ ๐“๐ž๐ฅ๐ž๐œ๐จ๐ฆ ee fadhigeedu yahay Dalka Ingiriiska waxa ay ku abaalmarisaa hoggaamiyayaasha shirkadaha isgaarsiinta caalamka ee ku guuleystay horumarinta isgaarsiinta iyo teknoolajiyadda Dalalkooda.

Gudoomiyaha shirkada Hormuud Ahmed Mahmoud Yusuf ayaa gudoomay bilada abaalmarinta.

Shirkada hormuud oo war qoraal ah ka soo saartay abaalmarinta ayaa sheegtay โ€œWaa guul taariikhi ah oo Guddoomiyaha Shirkadda Hormuud Telecom uu Soomaaliya iyo isgaarsiinta Dalkeena uga soo hooyay tartanka Abaalmarinta Isgaarsiinta Adduunka iyo Afrika.โ€

Exit mobile version