Somalia ayaa sanadahan danbe ku biireysey ururada dowliga ah, ee degmada iyo caalamka.
Waa calaamad muujineysa soo kabashada Soomaaliya siyaasad ahaan iyo dhaqaala ahaan.
Mudo sanad ah waxa socday qorshaha soomaaliya ugu biireyso madasha dalalka bariga Arica. “east african community”.
Maanta oo taariikhdu atahay 23 november 2023, somalia ayaa si rasmi ah ugu biirtey madasha dalalka bariga africa.
East african community waa urur goboleed dawli ah oo ay xubno ka yihiin 7 dabada dal oo ku yaala bariga Africa, dalalkan ayaa kala ah :
- Burundi
- Democratic Congo
- Kenya
- Rwanda
- South Sudan
- Uganda
- Tanzania
Madashan ayaa waxa la aasaa-say 2000. ururka ayaa xaruntiisu tahay magaalada caruusha ee wadanka tazania.
Tirada dadka ku dhaqan dalalka bariga Africa ayaa gaaraya in ka badan 283.7 million oo qof.
Baaxada dhuleed ayaa gaareysa 4.8 milyan oo kiiloomitir laba jibbaaran, Ku dhawaaad 30% waxay ku noolyihiin magaalooyinka, Isku-darka wax soo saarka gudaha wuxu gaarayaa Us$ 305.3 bilyan oo dollar.
Ururkan ayaa ka shaqeeya kobcinta arimaha ganacsiga sida :
- Xuriyada isku socodka dadweynaha.
- Xuriyada isku socod badeecadah.
- Dhaqdhaqaaqa xorta ah ee shaqaalaha/shaqaalaha.
- Xuquuqda deganaanshaha.
- Dhaqdhaqaaqa xorta ah ee adeegyada.
Ururka ayaa xooga saara dhanka iskaashiga iyo isku dhafka dalalka xubnaha ka ah sida :
- Abuurista suuqyo waaweyn.
- Dhiirigelinta maalgashiga iyo warshadaynta.
- Horumarinta bulshada oo ka dhalatay wax ka qabashada arrimaha nabadda iyo xasilloonida siyaasadeed.
Somalia waxay helidoontaa suuqyo waaweyn kuwaasoo ay iib geyso wax-soosaarkeed,
Sidkale qofkasta oo somali ah oo u safraya wadamada bariga Africa wax dal ku gal ah lama weydiinayo.
