Maxaa ka soo baxay shirka madaxda urur goboleedka IGAD ee ku soo dhammaaday wadanka Jabuuti?

Maxaa ka soo baxay shirka madaxda urur goboleedka IGAD ee ku soo dhammaaday wadanka Jabuuti?
  • PublishedDecember 10, 2023

Magaalada Djaouti waxa ku soo dhamaaday shir aan caadi ahayn oo  hal maalin uga socday dalalka xubanaha ka ah urur goboleedka IGAD.

Kulanka ayaa lagu gorfeeyey colaadda ka taagan wadanka suudaan iyo sidii xal waara loogu helilahaa madaxda shirka ka soo qayb gashay ayaa si weyn isugu raacay sidii xabad joojin looga dhalinlahaa  dhinacyada suudaan ee dirirtu ka dhexayso.

Xoghayaha fulinta ee IGAD, Dr.Workneh Gebeyehu ayaa hoosta ka xariiqay sida ay uga go’an tahay in wada hadal nabadeed laga gaaro colaadda xooggan oo u dhexaysa labada janan ee reer sudaan.

Dirirta dalka suudaan ayaa soo bilaabatay 15 April aan dhaafnay, dagaalka ayaa dhexmaray labada nin ee ugu awooda badan suudaan oo kala ah : Abdel Fattah Burhan madaxweynaha ku meel gaarka ah ee dalka suudaan iyo Mohamed Hamdan oo ah taliyaha ciidamada RSF.

Dagaalka ayaa waxaa ku barakacay dad ka badan 6 milyan oo qof. halka ay ku dhinteen in ka badan 9000 oo qof.

Gebe-gebada shirka IGAD waxa laga soo saaray war-murtiyeed loogu baaqay dhinacyada is haya ee suudaan xabad joojin deg deg ah, iyo in gargaar la gaarsiiyo dadka rayid ah ee colaada ku wax yeeloobay.

Lama oga  sida ay u dhaqan gelayso xabad joojinta loogu baaqay madaxda dalka Sudan.

IGAD waa urur goboleed dowli ah, waxa ku midaysan 8 da dal ee bariga Africa, xaruntiisu waa  magaalada Djibouti, madaxweynaha dalka jabuuti Ismaaciil cumar geelle ayaa hada haya xilka gudoomiyaha ururka IGAD.

Written By
JiilPlus

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *