kooxo kubadda cagta ah Oo ay Leyihin Ciyaartoy Caan ah

Ma Ogtahay inay Jiraan kooxo kubadda cagta ah Oo ay Leyihin Milkiyadeeda Ciyaartoy Caan ah? 

Nolosha Ciyaartoydu waa mid Gaaban Balse Marka ay Xirfadooda Ciyaareed Soo Dhamaato, Ciyaartoyda kubadda cagta waxay Lacagtooda iyo wakhtigooda Galiyaan Xirfado kale, Qaarkood waxay noqdaan khabiiro Talefishinada wax ka qora, Qaar Baa Noqda Tababareyaal, Halka Kuwa kalena ay Sameystaan Ganacsiyo, Balse Maanta Waxaan Halkaan Kasoo Gudbin doonaa, Qaar kamid ah Xirfadlayaasha kubbada cagta, Oo badankood Laga Yaabo in Aanad Horey maqlin laakiin Milkiiliyadeeda ay Leeyihiin Kooxo Kubadda Cagta.

Xiddiga 1-Aad Waa Ciyaaryahankii hore ee Kooxaha Chelsea iyo Leicester City N’Golo Kanté, Burburiyaha kooxda Al-Ittihad, iyo Xulka Faransiiska, Wuxuu iibsaday kooxda Fadhigeedu Yahay Dalka Belgium Ee Royal Virton, Oo Hadda ka Ciyaarta Heerka 1-Aaad Ee Horyaalka Belgium.

Xiddiga 2-Aad Waa Sadio Mane Sida uu sheegay Telefishanka ESPN, Laacibka Reer Sinigal Mane waxa uu iibsaday kooxda ka Dheesha heerka 4-Aad ee Wadanka Faransiiska Naadigan Waxaa Lagu Magacaaba Bourges Foot 18, Sanadkan 2023 Ayuu si buuxda ula wareegay mulkiyaddeeda, Kooxdan Waxaa La Aas Aasay bishii May Sanadkii 2021. 

Xiddiga 3-Aad Waa Halyaygii Hore Ee kooxda Chelsea iyo Xulka Qaranka Ivory Coast Ee Didier Drogba, Drogba, Sanadki 2017-dii, Waxa Uu beeca xorta ah kula wareegtay kooxda Phoenix, Oo ka ciyaarta heerka 2-Aad ee Kubadda Cagta Mareykanka, Naadigan Waxaana La Aas Aasay Sanadkii 2014. 

Xiddiga 4-Aad Waa Ciyaaryahankii hore Ee Xulka Brazil, Ronaldo Nazario, Sanadkii 2018, ayuu Lawareegay Saamiga ugu Badan Kooxda Reer Spain, Real Ee Valladolid ka dib markii uu iibsaday 51% saamiga kooxdaas.

Xiddiga 5-Aad Waa Paolo Maldini Wuxuu iibsaday 50% kooxda Miami Fc, inta soo hartayna waxaa iska leh Ganacsadaha Reer Talyaani ee Riccardo Silva oo Sidoo kale ah madaxweynaha kooxda, Miami Fc, Waxay Hadda ka Ciyaarta Horyalka Heerka 2-Aad ee Wadanka Mareykanka,

Xiddiga 6-Aad Waa Ciyaaryahankii hore ee kooxda Manchester united iyo Real Madrid Ee David beckham kaas Oo iskaleh kooxda Inter Miami Magaca Rasmiga ah ee kooxdan waa Interactional de Futbol Miami laakiin waxaa loo yaqaan Inter Miami.

Nadigan waxa Ay ka dhisantahy, Florida,Waxaana la Aas Aasay Sanadkii 2018 Balse Waxay Si Rasmi ah  u Ciyaartay horyaalka MLS-ka Sandkii 2020.

Xiddiga 7-Aad Waa Daafacii hore Ee Barcelona, iyo Qaranka Spain, Gerrard Pique kaas Oo iibsaday Sanadkii 2018-dii, kooxda Andorra FC, Oo hadda ka ciyaarta Heerka 2-Aad Ee Horyaalka Spain. 

Xiddiga 8-Aad Waa Zlatan Ibrahimovic Waxa uu iibsaday 23.5% Saamiga kooxda Hammarby fotboll, Oo ka Ciyaarta Heerka 8-Aaad Ee Horyaalka Sweden.

8 Ciyaaryahan Waa kuwa ugu Caansan Ee iibsaday kooxo kubadda Cagta. 

Exit mobile version