Maxaa kala socotaa shirka adduunka ugu weyn ee COP28 oo ka furmaya dalka Imaaraadka Carabta.
Kani waa shirka cilmilada adduunka ee oo layaqaan COP28 , Sanadkasta hal Mar ayaa la qabtaa . wa sanadii 28 aad ee shirka la qabanyo .shirkan ayaa 30 November 29, 2023 ka furmaya magaalada Dubia ee wadanka isutaga Imaaraatka carabta.
Waxa soo qabanqaabisa hay’ada UN -ka u qaabilsan sbedelka cimilada ee” UN climate change “. sanadkasta wadan gaar ah ayaa lagu qabtaa ,sanadkii hore waxa martigeliyey dalka Masar
“UN Climate Change.”
Shirka cimilada adduunka waxa loo yaqaan shirka ugu mudada dheer, waayo wuxu socdaa ugu yaran 2 usbuuc ilaa bil . kulankan wuxu socon doona 30 Nov, ilaa 12 december.
Shirka halku dhigiisu waa gorfeynyta, waxbarista iyo kor u qaadista wacyigelinta bulshada ee la xiriira arimaha cimilada.

Kulankan caalamiga ah ayaa looga hadalyaa, sidii loo caawinlahaa bulshooyinka u nugul isbedelka cilimilada, iyo maalgelinta mashaariicda ka hortaga waxyeelada isbedelka cimilada, sidoo kale waxa diirada lagu saarayaa isticmaalka tamarta nadiifta ah iyo ka faaiidaysiga technologiyada aan waxyeelada laheyn.
Sida ku cad qorshaha shirka waxa lagu casumay dhamaan madaxda dowladaha caalamka, waxayna ka jeedindoonaan khudbado ka hadlaya saameynta iyo xal u helista isbedelka cimilada gaar ahaan wadamada ay sida weyn waxyeeladu uga soo gaartay saameyna ka dhalatay isbedelka cimliada.

In ka badan 200 oo shirkadood iyo ururada bulshada rayidka ah ayaa ka qayb gelaya. shirka si ay ugu biiriyaan fikradohooda ku aadan wax-kaqabashada dhibaatada cimilada. sidoo kale wax kaqayb gelaya khubaro iyo cilmi baaraayaal ku xeel dheer arimaha deegaanka iyo cimilada.
Inta shirku socdonayo waxa lagu soo bandhigayaa fikrado ganacsi, hal-abuuro cusub iyo mashaariic la xiriirta xalka waara ee bed-qabka deegaanka iyo horumarintiisa.
Kulankan waxa kaalin weyn kaga jira, aqoonyahanada, ururada bulshada rayid ah, ganacsatada iyo dhammaaan qaybaha bulshada ee kala duwan.
Ku dhowaad 300 oo qof ayaa khudbado ka jeedindoona inta shirku uu socdo, kuwaas oo isugu jira madax, siyaasiyiin, khubaro iyo dad u dhaq-dhaqaaqa arimaha deegaanka.
