Filimada Soomaaliya laga diyaariyey ee caanka ka noqdey dunida oo dhan
Wax badan ayaa soomaaliya laga sameeyey muuqaalo documentary ah oo ka hadalaya xaaladihii kala duwanaa ee dalka soomaray wixii ka danbeeyey bur-burkii.
Waxyaabaha Soomaaliya laga diyaariyey ayaa waxa ka mid ah filmaan wakhti iyo hanti badan la geliyey, filmaantaas intooda badan waxa hal abuuray qoroyaal soomaalyeed.
filimadan ayaa ka hadlaya dhacdooyin kala duwan oo taabanaya nolosha dadka soomaaliyeed.
1-filimka Xaaskii xabaal qodaha : sheekada filimkan ayaa ka hadlaysa qoys sabool ah oo duruuf dhaqaale oo adag haysato, laakiin qoyska waxa isku haya jaceyl aad u xooggan oo keeney in ay u dhabar adeygaan culeyska nolosha ka heysta.
Aabaha qoyska ayaa ka shaqeeya qodista xabaalaha dadka dhinta si uu uga soosaaro biilka qosykiisa oo degan xaafadaha isku raranta ah ee magaalada kooneheeda ku yaal.


Dhacdada filimka ayaa xoogga saareysa ninka Xabaal qodaha ee u dadaalaya siduu u caawinlahaa xaaskiisa oo xanuunsan. filimkan ayaa waxa lagu soo bandhigay dalal kala duwan sida Canada,UK, Somalia, USA.
Filimka : Xaaskii xabaal qodaha ayaa ku guuleystay abaalmarido caalami ah oo kala duwan sida uu sheegay jilaaga filimka cumar cabdi oo ahaa ninka sheekada filimku ku dul socotey magaciisa waxyaabaha filimkani kaga duwaan filmaantii hore loo dhigi-jirey ayaa ah in dadka metelayey oo ahaa soomaali dhammaantood.

Filimka Xaaskii xabaal qodaha oo xiisa badan lahaa ayaa soo baxay dabayaaqadii 2021 kii, wuxu ka mid yahay filmaan ugu caansan ee soomaalidu jishey.
2. Ayaanle : filimkan ayaa sheekadiisu waxay diirada saareysaa arimo la xiriira burcad badeeda iyo falalka amni darrada. sheekada filimka ayaa ku bilaabanaysa nin qurba jooga ah, si wax looga ogaado dhibaatada boolisku ay ku hayaan dadka degan xaafada Islii oo boolisku u haysto inay lacag haystaan.

Filimka ayaanle oo soconaya ku dhowaad 90 daqiiqo ayaa ka mid ah kuwa ugu xiisaha badan oo adduunka si weyn looga daawaday. filimkan oo soo baxay sanadkii hore ee 2022 kii, ayaa ku guulaystay dhawr abaalmarinood oo kala duwan sida uu sheegay director-ka filimka Axmed faarax.
3. Filimka Waalidkey miyey ii imandoonaan si ay ii arkaan : waa filim kooban oo Soomaaliya lagu meteley, dhacdada filimka waxay ku saabsantahay wiil yar oo faldenbiyeed dil ah geystey oo xabsi mudo ku xirnaa kadibna maxkamad ay ku xuntay dil toogasho ah oo lagu fulinayo xukunkii dilka ahaa, wiilka yar ayaa la weydiinaya waxa uu codsanayo maadaama ay tahay maalintii ugu danbeysay noloshiisa ? wuxu ku jawaabayaa : Waalidkey miyey ii imandoonaan si ay ii arkaan?

Filimkan oo soconaya 28 daqiiqo ayaa soo baxay horaantii 2022 kii, filimka ayaa ka qeyb galay ilaa 15 bandhig faneed oo caalami ah waxa uu ku guuleystay ilaa 3 abaalmarinood sida uu sheegay jilaaga filimka shucayb cabdiraxmaan.
Filmaanta soomaaliya lagu sameeyay sanadahan danbe ayaa aad u soo badanaya ,waxay muujineysaa koboca dhanka wax soo-saarka filmaanta ee Soomaaliya sida uu sheegay faarax biniin oo ah qoraa iyo filim sameeye.
