Shirkan caalamiga waxa soo qaban-qaabisay dawlada Soomaaliya maxaa looga hadlay ?
Shirweyne ay ka soo qayb galeen 26 dal oo soomaaliya ka taageera arimaha aminga ayaa ka furmay magaalada New york ee wadanka Mareykanka. shirkan ayaa waxa soo qaban-qaabisay dowlada soomaaliya.
Kulanka ay Soomaaliya shirgudoominaysay waxa ka soo qayb-galay ururo dawli ah sida: Qaramada Midoobay, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo ururka midowga Africa.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo bandhigay qorshaha aminiga qaran ee Soomaaliya iyo hanaanka dib u dhiska ciidamada. sidoo kale muhiimada iskaashiga heer qaaraadeed iyo heer caalami ah. qorshayaasha madaxweynahu soo bandhigay waxa ku jirtay, bixitaanka ciidamada ATMIS iyo xasilinta siyaasadeed ee Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan sheekh maxamuud oo khudbad ka jeediyey kulanka aminiga soomaaliya ayaa soo hadal qaaday hormarka laga gaaray xaqiijinta aminga iyo dhimista ciidanka nabad ilaalinta ee ATMIS.
“Dhimista tirada ciidamada ATMIS ee Soomaaliya oo haatan socota waxay caddeyn u tahay horumarka aan ka sameynay qorshaha xaqiijinta Soomaaliya xasilloon oo leh hay’ado amni oo si buuxda ula wareega mas’uuliyadda sugidda amniga dalka.”
Xasan sheekh maxamuud
Intii uu socday kulanku madaxeynaha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey golaha ammaanka talaabadii ay Soomaaliya kaga qaadeen cunaqabteynta hubka ee mudada dheer saarneyd. hadana ku garab taagan hanaanka deyn cafinta iyo dhismaha ciidanka qalabkasida.


“Waxaan soo dhaweynayaa go’aankii taariikhiga ahaa ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu cunaqabateynta hubka kaga qaaday Soomaaliya. Tani waa guul muhiim ah oo u soo hoyatay Soomaaliya, waxayna muujinaysaa horumarka la taaban karo ee ku yimid hannaanka maamulka hubka iyo rasaasta ciidamada, iyadoo go’aankani uu awood noo siinayo in aan si buuxda u qalabeyno ciidamada Qaranka Soomaaliya”. sidaas waxa yiri madaxweynaha Soomaaliya.
Shirkan ayaa ku soo beegmay iyadoo dhowaan Soomaaliya laga qaaday cunaqabateyntii hubka ee saarneyd tan iyo 1992 dii. arrintan ayaa Soomaaliya awood u siineysa in ay gaarto isku filaansho dhanka ammaanka iyo dhisida ciidan si fiican u qalabaysan.

Dhanka kale ka qayb-galayaasha shirka ayaa si weyn uga dooday caqabadaha amniga soomaaliya iyo qorshayaasha lagu hormarin-karo.
Soomaaliya ayaa mudooyinkan danbe gaadhay guulo isdaba joog ah dhanka xiriirka arimaha dibada, 23 kii November Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga mid noqotay bulshada bariga afrika.
2 dii bishan December Soomaaliya waxa laga qaaday cunaqabatayntiii hubka ee saarnayd mudo 31 sanno ah, dhowaan waxa la filayaa in Soomaaliya laga cafiyo deyn kor u dhaafaysa $5B.

Talaabooyinka isdaba jooga ah ayaa horseed u noqon kara xasilooni siyaasadeed iyo horumar waara.
