Dhul-gaiir xooggan oo ku dhuftay wadanka Shiinaha oo khasaare naf iyo maal leh geystay

Wuxu ahaa dhul-gariir aad u xooggan  oo ruxay deegaanka Jishishan oo dhaca waqooyi-galbeed dalka Shiinaha, gaar ahaan dhulka buuraleyda ah.

Dhul-gariirkan Oo cabirkiisu ahaa 6.2, ayaa ku dhuftay gobolka waqooyi-galbeed ee dalka Shiinaha, in kabadan 126  qof ayaa ku dhimatay iyo dhaawac kor u dhaafaya 600 oo qof. waxa jira bur-bur aad u baaxad weyn oo ka dhashay.

wakaalada wararka ee Shiinaha “Xinhua” ayaa ku warantay  in dhul-gariirku waxyeelo daran gaarsiiyey biya gelinta, xarkaha korontada iyo isgaarsiinta.

Waxa bur-burey kaabayaasha dhaqaale ee deegaanka.

Madaxweynaha dalka shiinaha Xi Jinping ayaa ku baaqay in dadaal badan lagu bixiyo sidii loo badbaadin lahaa loona daaweyn lahaa dadka ku dhaawacmay dhulgariirka. sidoo kale wuxu armay in loo dayac-tiro kaabayaashii ku waxyeeloobay.

Kooxaha badbaadinta ayaa ku howlan sidii loo samata-bixinlahaa dadka dhibaatadu gaartay. gaar ahaan gobolka Jishishan oo ah meesha ugu badan ee dhul-gariirku saameeyey, waa dhul buuraley ah oo ay ku noolyihiin qoymiyadaha laga tirada badanyahay sida : Tibetan iyo Salars.

Exit mobile version