10-ka Saxiix Ee Ugu Qaalisan Taariikhda Suuqa Kala Iibsiga

Paris Saint-Germain ayaa gilgishay kubbada cagta xagaagii 2017 markaas oo ay Neymar kala soo wareegeen Barcelona ka dibna ay Kylian Mbappe si degdeg ah uga soo iibsadeen Monaco. Waxay weli yihiin labada ciyaaryahan ee ugu qaalisan abid.

Suuqa kala iibsiga xagagaa ayaa si rasmi ah u Furmi Doona Bisha January kooxaha ayaana durba samaynaya dhaq-dhaqaaqyo ay ku xoojinayaan kooxahooda.

Sanad walba 2 jeer ayuu suuqu kala iibsiga ciyaartoyda Uu furmaa iyada oo kooxuhu fursad u helaan in ay xoojiyaan Naadiyadooda boosaska ay ka Liitaan.

Si lamid ah Sanad walba koox ayaa jabisa Rikoorka Suuqa si ay ula soo saxiixdaan Ciyaartoyda ugu fiican ee ay u arkaan kuwo kooxahooda caawinkara.

Hadaba waxa la soo saaray 10 saxiix ee ugu qaalisan suuqa kala iibsiga ciyaartoyada iyada oo ay kooxo badan Qasnada u jabiyeen xiddigo sanadihii ugu dambeeyay.

Halkan Kaga Bogo 10 saxiix ee ugu qaalisan suuqa kala iibsiga:

Neymar iyo Mbappe wali waxay yihiin labada saxiix ee ugu qaalisan Taariikhda suuqa kala iibsiga Malaga Yaaba in Rikoorkaan Laga Jabiyo, kooxaha Saudi Pro League ay gilgileen suuqa kala iibsiga.

Exit mobile version