Maxay Tahay Kaarka Cagaaran Ee Lagu Soo Darayo kubadda cagta
Guddiga Xiriirka Kubadda Cagta Caalamiga, International Football Association Board, Oo Magacooda Lo So Gaabsho IFAB, Taas Oo Ah hay’adda dejisa sharciyada ugu caansan ciyaaraha Adduunka, ayaa ku dhawaaqday inay Ansixisay Tijaabada kaararka cagaaran.
Kaarka cagaaran waxaa lagu Abaalmarin doonaa kiisaska weerarrada Ee lagu qaado Garsoorayaasha inta ay ciyaartu socoto, Sida Lagu sheegay xog uu helay wargeyska “Telegraph” ciyaartoyga ayaa si ku meel gaar ah loo Ganaaxi doonaa 10 daqiiqo haddii uu qaato kaarkan inta lagu jiro ciyaaraha.


Haatan waxa jira xiddigo la murma Garsoorayaasha kubada cagta kuwaas inta badan loo Taago kaarka digniinta ah.
Arintan ayaa Noqon doonta dhacdo ku cus-banaan doonta ciyaaraha kubada cagta waana mid la sugayo sida ay uga fal celin doonaan Adduunka kubada cagta.

Goorta Rasmiga ah Ee kaarkan La isticmaali dona Wali lama Sheegin Balse Waxaa Si Hordhac ah Loo Ogaaday in Kaarka cagaaran Lagu So dari Doono kubadda cagta.
Cristian Galano ayaa Noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee qaata kaarkaan, dad badan ayayna LaYaab ku Noqotay Markii Loo Taagay ciyaartii koobka Aduunka Ee haweenka kulan u dhaxeayay Sporting Lisbon iyo Benfica, markaasoo Benfica ay 5-0 ku badisay.
