
Wadankan ayaa shaqaalaha diyaaradaha ee dumarka ah ka mamnuucay isticmaalka barafuunka maxay tahay sababtu?
Arin layaab ah bay noqotay kadib markii uu maamulaha guud ee duulimaadka rayidka dalka Hindiya uu ku amray shaqaalaha dumarka ah ee ka howlgalaha diyaaradaha dalkaas in aysan soo marsan Karin wax caraf leh sida barafuunka, daawada lagu cadaydo iwm.
Talaabadan ayaa lagu macneeyey cabsi laga qabo iney saameyn ku yeelato nabad gelyada duulimaadada waayo waxa dhicikarta in waxyaabaha la isku qurxiyo ay ku jiraan Alcohol badan oo saameyn ku yeelankarta duuliyaasha diyaarada iyo shaqaalaha guud ahaan.
Qoraalka amarka ah ee maamulaha duulimaadka rayidka soosaarey ayaa sidan u dhignaa “ qofna looma ogola in uu isticmaalo daawo ama inuu adeegsado wax chemical ka samaysan sida daawada lagu cadaydo, cadar ama wax kasta oo ay ku jirto alkalo “alcohol”.
Waayo baaritaanku wuxuu sheegayaa in qofku isticmaalay wax maandooriye ah Wuxu intaas sii raaciyey
“qofkasta oo raba in uu daawo qaato waa inuu dhakhtar la tashada ka hor isticmaalka daawada”.
sida laga soo xigtey CNN


Sida lawada ogyahay cadarka waxa ku jirta alcohol aad u yar, marka jirka la mariyo natiijada baaristu waxay soo-saareysaa in alcohol jirka ku jirto oo mamnuuc ah.
go’aankan ayaa noqday mid meel mar ah kadib markii ay ansixiyeen gudiga maamulka hawada ee Hindiya 2015, si loo xoojiyo nabad gelyada duulimaadka.

Waa sharci caalami ah in laga baaro shaqaalaha diyaaraha waxkasta oo maandooriye ah si loo ilaaliyo bedqabka rakaabka, 2018 waxa 10 bilood oo xabsi ah lagu xukumay duuliye Katsutoshi Jetsukawa oo ka tirsana shirkada duulimaadka ee dalka Japan, duuliyaha ayaa waxa lagu helay in jirkiisa ay jirto maadada alcohol.
Duuliye Gabriel Lyle Schroeder oo ka tirsana shirkada duulimaadka ee Dalta oo laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa laga soo rogey diyaaradii uu ku duulilahaa wax yar ka hor duulimaadkiisa. Kadib markii la ogaaday inuu isticmaaley Alcohol.
Adduunka waxa jirta shuruuc adag oo la xiriirta wadayaasha gaadiidka ama duuliyaasha diyaaradaha si loo hubiyo bed-qabka iyo nabad gelyada rikaabka. hadaba Soomaaliya ma ka jiraan shuruuc ka degsan habka wadista baabuurta ama duuliyaasha diyaaradaha ?