Hore ma u maqashay daawada Ilkaha beerta ee la soo saarey ?
Hore waxaynu maqli-jirney daawada timaha soo celisa laakiin waa arrin cusub markaad maqasho daawadada Ilkaha soo celisa, seynisyahano u dhashay dalka Japan ayaa ku howalan sidii ay u sameyn lahaayeen kiniini Ilkaha dhamaaday soo celiya. kadib markii tijaabooyin badan lagu sameeyey oo guuleystay.
Cilmi-baaris xiisa badan dhalisay ayaa 2021 kii lagu daabacay Joornaalka Scientific Reports, daraasada ayaa tilmaantay sida daawada bar-tilmaameedka u ah borotiinka (USAG-1) ay u saameyn-karto tirada ilkaha lagu beeray xayawaanka, dadka qaar ayaa u qaatey iney tahay daawada dib u soo nooleynta Ilkaha.
Seynisyahanada ku howlan cilmi-baaristan ayaa isku diyaarinaya in ay daawada ku tijaabiyaan bani’aadanka, tijaabada caafimaad ee daawada ayaa la filayaa in ay bilaabandoonto 2024, khubaradan ayaa ku raja weyn in daawadan ay diyaar noqondoonto sannadka 230 ka.


Madaxa kooxda cilmi-barista sameynaysa Dr.Katsuo Takahashi ayaa yiri:
” fikrada cusub ee samaynta Ilakaha waa riyo dhakhtarkasta uu rabo in uu gaaro, arrintan waxan ku fekerayey ilaa markii aan ardayga ahaa, waan ku kalsoonahay inaan awoodi doono”.

Cilmi-baarista waxa lagu ogaaday borotiinka loo yaqaan (USAG-1) kaas oo uu soo saaro hidda side si uu u xaddido koriinka Iligga, ka hortagga borotiinkan waxay keeni kartaa in Ilko badan ay koraan, sidaas darteed kooxda cilmi-baaristu waxay diirada saartey borotiinka (USAG-1), waxayna soo-saartey daawo ka hortag ah oo awood u yeelankarta joojinta shaqada borotiinka si ay Ilkuhu u koraan.
Sida khubarada caafimaadka sheegeen waxa jira qaar ka mid ah xayawaanada oo ilkohoodu dib ugu baxaan laakiin bani’aadanku sidaas ma aha, hal mar oo keliya ayaa ilkuhu u soo baxaan
Daaweynta ilka la’aanta
Aad bay u yaryihiin xarumaha Ilka soo celinta, laakiin hadii xal loo helo borotiinka (USAG-1) waxay rajo fiican siineysa 1% dadka Ilka la’aantu hayso in ilkohoodu dib ugu baxaan markale.
Khubarada caafimaadku waxa ay ku howlan yihiin in ay u diyaariyaan dawadan in dadku isticmaalikaro oo aaney lahayn wax saameyn khaldan ah. waxa lagu bilaabidoona caruurta ay da’doodu u dhexayso 2 jir ilaa 3 jir ee la il-daran Ilka la’aanta.

Hadii isku daygani guulaysto tani waxay noqoneysaa isbedel weyn oo dhanka caafimaadka ah, gaar ahaan dadka aan Ilkaha lahayn.
