Dalalka adduunka ugu hilib cunista badan

Dalalka adduunka ugu hilib cunista badan
  • PublishedDecember 5, 2023

Waxkasta adduunka waa laka badsadaa xitaa cuntada. waxa jira wadamo badan oo caan ku ah hilib cunista adduunka. inkasta oo cunista hilibka guduudan u darantahay caafimaadka, hadana waxa uu kamid yahay cuntooyinka uga waxtarka badan.

Soomaaliya waxa ay ka mid tahay wadamada sida weyn looga cuno hilibka, dadka somalidu waxa ay aaminsayihiin iney iyagu ugu hilib cunis badan yihiin adduunka oo dhan, lakin arrintu sidaas waa ka duwantahay.

Cilmi baaris ay sameysay hay’ada cunada iyo beeraha ee qaramada midoobay oo loosoo gaabiyo “FAO”, ayaa sheegtay dadka adduunka ugu hilib cunka badan iyo  inta kilogram ee qofkiiba cuno sanadkasta.
Xog ururintan ayaa laga sameeyey qaaradaha adduunka oo dhan, waxana lagu saleeyey qaab nololeedka bulshooyinka caalamka iyo hanaankooda cuntada gaar ahaan hilibka.

Daraasadu waxa ay sheegtay in qofkasta oo qaarada Africa ku nool uu sanadkii cuno 17.8 kg oo hilib ah. halka Qaarada Asia qofkasta uu  cuno  sanadkii 33.5 kg.

Dalalka Yurub qofkasta wuxu cunaa sanadkii 77.6 kg oo hilib ah, taas oo muujineysa in ay aad uga sareysto qaarada Africa.

Fresh Raw Salmon Red Fish Steak isolated on cutting board

Sida cilmi baaristu sheegtay dalalka Latin America qofkasta waxa uu sanadkii cunaa 84.5 kg oo hilib ah warbixinta ayaa intaas ku dartay xiliyada hilib cunku badanyahay iyo xiliyada uu yaryahay.

Qaarada Ustralia qofkasta waxa uu cunaa 105.4 kg oo hilib ah sannadkii, taas oo muujineysa in ay ka badantahay wadamada Latin America.

Qaarada dadkeedu ugu hilib cunka badanyahay waa woqooyiga America, qofkasta sanadkii wuxu isticmaalaa 122.8 kg oo Hilib ah.

Warbixintu ma sheegin noocyada hilibka ee dadku aadka u cunaan wadamada adduunka, lakin waxa muuqata in lagu kala duwanyahay hilibka iyo isticmaalkiisa.

Inkasta oo somalidu xoola badan dhaqato oo hilibkuna ugu jiro nolol maalmeedka hadana ma gaarto wadamada qaar.

Hilibka ayaa waxa loo qaybiyaa laba nooc oo kala ah:

  • Hilibka cas/guduudan
  • Hilibka cad

Bahda caafimaadka ayaa ku talinaya isticmaalka hilibka cad, sida kalluunka, ukunta iyo Chicken. sidoo kale in la iska ilaaliyo isticmaalka badan ee hilibka cas.

Written By
JiilPlus

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *