Ku dhowaad 40 gobol oo katirsan dalka mareykanka oo ay ku jiraan gobolka California iyo new York ayaa furey dacwad ka dhan ah shirkada Meta ee iska leh facebook, whatsupp, Instagram.
gobolada dalka mareykanka ayaa ku eedeyey shirkada Meta iney sababtey in xanuunka dhimirka uu ku dhoco da’yar aad u tirabadan ka dib markii ay qabatimeen isticmaalka baraha bulshada.
cabashadan oo la gubiyey maalintii salaasada. dacwad oogayaasha 33 gobol ayaa yiri: shirkada Meta ee maamusha Facebook waxay dadka ka marin habaabisay waxyeelada ku gedaaman bareheeda bulshada. waxay si qasab ugu riixday da’yarta iyo carruurta in ay si xad dhaaf u isticmaalaan kadibna qabatimaan isticmaalka baraha bulshada.
Cabashada loo gudbiyey maxkamda federaalka Oakland, California waxa ku qorneyd :
”shirkada Meta iyadoo ka faa’iidaysaneysa Tignoolagiyada xoogga badan,waxay duufsatay dhallinyaradii iyo carruurtii waxayna ku soo diray dabin, u jeedadeedu waa faaiida doon”.
Carruurta ayaa ah dadka ugu badan oo shirkaduhu soo jiitaan, si ay uga dhigtaan macaamiil joogta ah. meta waxay xoogga saarta macaamiisha da’da yar, si ay ugu soo jiidaadiin dad waxku xayeysiist oo badan. laakiinse gobolada dacwada soo gubiyey waxay dheheen xiriirka ka dhexeeya qabatinaka baraha bulshda.
Gobolada dacwadan ku soo oogey shirkada ayaa ku adkeysanaya in baaritaan ay sameeyeen ay u cadaatay xiriirka ka dhexeeeya adeegsiga baraha bulshada iyo xalaadaha caafimaad darro ee soo foodsaarey carruurta, sida :niyad jab, walaac ,hurda’aan iyo hoosu dhac ku yimi waxbarashada carruurta nolol maalmeedka iyo cawaaqib xumo kale “.
Dhanka kale shirkada Meta ayaa muujisay sida ay ugu xuntahay dacwadda ka dhanka ah. qoraal ay shirkadu soosaartay ayey ku sheegtay sidan :”waxa haboon in laga wada shaqeeyo sidii loo samaynlahaa qaab ku haboon da’da dadka isticmaala barnaamijyada shirkada si looga fogaado dhibaato soo gaarta carruurta “. Dacwad oogayaasha ayaa talaabadan soo dhoweeyey.
Shirkadaha baraha bulshada ayaa ka xanibay carruurta da’doodu yartahay 13 jir in ay isticmaalaan baraha bulshada, si kasta oo loo xakameeyo baraha bulshada carruurtu way isticmaalan, qaar badan oo ka mid ah waxay leeyhiin akoono iyaga u gaar ah.
Carruurta isticmaasha baraha bulshada waa arin adduunka oo dhan ka jirta. carruurta mareykan ee da’doodu u dhexeyso 13 ilaa 17 jir waxa ay isticmaalaan baraha bulshada. sida uu sheegay machadka cilmi barista ee Pew Research center.
Isticmaalka baraha bulshada saameyn xoogan ayey ku haysaa carruurta soomaalida, waxa jira waalidiin badan oo ka cabanaya waxyeelada ay baraha bulshadu u geysteen ubadkooda.
