21 sanno ayey u soo halgamaysay iney halkan ay maanta joogto soo gaarto iyo iney ku guulaysato abaalmarino caalami ah
Waxay ahayd madal Kulmisay ganacsato, madax iyo marti sharaf badan.
Kulankani ma ahayn hanti iyo dhaqaale lagu qaybsano, sidoo kale ma ahayn mid olole siyaasadeed ah Wuxuu ahaa mid intaas oo dhan ka duwan.
Shirkada isgaarsiinta Hormuud ayaa u dabaaldegtay guulihii ay Soomaaliya uga soo hoysay caalamka, xaflada ayaa lagu xusay dagaalkii ay shirkadu soo martay sidii ay halkan usoo gaari lahayd ..iyo tartamadii kala duwanaa ee ay midkasta kaalinta 1aad ka gashay.
Dad badan oo bulshada caan ka aha ayaa shirkada ku aamaney guulaha waa weyn ee ay gaartay. kani waa Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Mr: Cumar A/rashiid oo sidan yir :
“Hormuud oo 21 sano jirtay in ay maanta ka guuleysato shirkado intaas labalaabkeed iyo ka badan jira waxay ka tarjumaysaa maamul-wanaagga Shirkadda, oo uu hormuudka ka yahay Guddoomiye Axmed Sacuudi. Hambalyo ayaan leeyahay runtii. Waxaad guul u soo hooysay Soomaaliya”.

Kani waa Raysal wasaare hore Mr: Hasan Ali khiare :
“Hormuud waa shirkad Soomaaliyeed, waa dhaqaalo Soomaaliyeed, waa ammaano Soomaaliyeed, oo ay kulligeen waajib nagu tahay in aan wada ilaashanno“.

Mohamed ibrahim mocaliow oo ah mudane ka tirsan baarlamaanka soomaaliya ayaa sidan uga falceliyey :
“Runtii waa arrin soomaaliya oo dhan guul u ah ,waxay ku mutaysatay maamulka wanaaga iyo ilaalinta xogta shacabka soomaliyeed”.

Gudoomiyaha haweenka gobolka banaadir jawahir barqab ayaa si weyn u bogaadisay heerka ay shirkadu maanta gaartay.
Gudoomiyaha shirkada Hormuud Axmed maxamuud yusuf ayaa kulanka ka sheegay in guusha Hormuud gaartay ay tahay guul wadareed, wuxu intaas sii raaciyey waxayaabaha keenay in shirkadu guulahaas isdaba jooga ah gaarto.

“Adduunku wuxu noo aqoonsankaraa inaan wax qabano ,wadanka waxan ka sameynay infrastructure balaaran, waxan ka samaynay lacagaha digitlaka ah sida EVC”.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in mudo saddex sanno ku qaadanatay sidii ay shahaadada 1 aad ugu ugu guuleysan lahaayeen .tani waa tusaale muujinaya in guulaha shirkadu gaartay aaney si fudud ku iman.
Marti sharaftii ka soo qayb gashay kulanka ayaa shirkada ku ddhiirigeliyey iney sii labanlaabto dadaalka iyo adeegyada ay bulshada Soomaaliyeed u haysto.
Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya mudane sheekh aadan maxmed nuur oo ka hadlay dadaalka ayaa ku metelay dadaalka ay shirku ku jirto , sida TV-ga Al-jazeera.
“Al-Jazeera Hormuud camal ayay u caqli badan tahay. Hormuud tuulo kasta oo ay tagto dadka deegaanka ayay wax u dhiibtaan, Al-Jazeerana sidaas camal ayay u dhaqmaan”.

Intii ay xafladu socotay shirkada waxa si gaar ah loogu amaanay kaalmada ay ka geysato dhibaatooyinka ka dhaca dalka sida abaaraha iyo fahaadaha iyo masiibooyinka dhaca sida gubashada suuqyada.
Kulanka dabaaldega ayaa ku soo dhamaaday jawi qurxoon iyo rajada mustaqbal kan kasii wanaagsan.
