Wartu waa goob ay iskugu yimaadaan daadadka biyaha roobka ee magalada ama fatahaada wabiyada sido kale warta ayaa ah meel lagu keydiyo biyaha si dib loogu isticmaalo oo loogu waraabiyo beeraha.
Waxaa jirto qataro ka dhasha waraha magaalada oo ay ku jiraan biyo wasaqeeysan waxana laga dhaxlaa cudurka daacuunka, Malaariyada iyo in dadku ku dhacaan gaar ahaan dadka tabarta yar ama aan dabaasha aqoonin , taas oo keeni karta khasaare dhimasho iyo dhaawac, sido kale waxaa ku dhaca xoolaha oo halkaas ka soo doonta daaqsin.
Dowlada ayaa leh go’aan ka gaarista sidii loo xakeymen lahaa waraha biyaha ee ku yaalo caasimada Muqdisho. iyadoo lagu guda jiro xili roobaadkii, oo daadad badan qulqulayaan wadooyinka caasimada waxaa jirto in la fududaystay khataraha ka imankara biyaha faraha badan iyo meelaha waraha ah oo ay ku ururayaan.
Waxyeelo ayaa ka soo gaartay qaar ka mid dadka degan xaafadaha mogadisho biyaha fadhiista meelaha hoos u godan, sida dhimashadii dhowaan ka dhacaday goob biyuhu fariistaan oo ku taala isgoyska fagax.
Dadweynaha waxaa la gudboon in ay ka fogaadaan meelha biyo fadhiisadka iyo in ay ku socdaan hareeraha waraha.
Si loo yareeyo waxyeelada waraha, waxa haboon in la daboolo warta ama darbi lagu wareejiyo si dadka loo badbaadiyo khataraha biyaha ka dhalankara.
