Maxay yihiin godadka dhulka hoostiisa mara ee ugu dhaadheer dunida
Waa godad waa weyn oo si adag isugu dhafan, waana caqabada ugu weyn ee haysta ciidanka Israel, tan iyo markii uu bilowaday dagaalka qaza. boqolaal askarta israel ah ayaa dhaawac iyo dhimasho ka soo gaartay.
Waxa ay ka mid tahay hubka ugu muhiimsan ee Falastiiniyiintu hayastan. Kadib markii cirka, dhulka iyo badda laga go’doomiyey.
Tani waa sheekada godadka dhulka hoostiisa mara ee marinka qaza. Cidna ma Oga dhererka iyo tirada godadka lakin waxa iska cad iney aad u tira badanyihiin.
Xogaha badan ayaa sheegaya iney yihiin kuwa ugu badan adduunka. Marka laga reebo godadka dhulka hoos mara Kuuriyada waqooyi. Godadka qaza waxa lagu qiyasaa ilaa 1,300 oo God, halka dhererkoodana in ka badan 500 km.
Wargeyska caanka ah ee ” financial times” ayaa sheegay in godadka Qaza ay ka dheeryihiin metro-ga Ingiriiska waxayna hoos u qodan yihiin ilaa 70 mitir. tasoo u dhiganta dhisme dheer ka kooban 30 dabaq Kala Kala sareeya.


Gudoomiyaha ururka Hamas: Yahya sinwar ayaa sheegay in ay leeyihiin godad aad u dherer badan .”Godadka marinka qaza aan ku leenahay dhererkoodu wuxuu ka badan yahay 500 km “.
Markii ugu horeysay oo godadkan la arkay waxay ahayd sagaashamaadkii qarnigii tegey.

Waxa loo adeegsan jirey tahriibinta alaabta ganacsiga ah. Waxay ahaayeen godad ciriir ah oo dhib badan lakin hada waa la balaadhiyey, godadka qaar deegaan ahaan ayaa loo isticmaalaa.
Kadib markii ay badatay dhibaatada Israel ku hayso dadka marinka Qaza degan waxa ay bilaabeen in ay adeegsadaan godadka si ay uga dhigtaan gabaad weerarada cirka ee Israel.
