Goolhaye Ku Guuleystay Abaal-marin looga bartay weeraryahannada

Goolhayaha Xulka Qaranka Belgium Simon Mignolet ayaa ku guuleystay Abaal-marinta kabta dahabka ah ee Golden Boot, Taas Oo Lasiiyo weeraryahannada, Waxaana uu Noqday Goolhayihii ugu horreeyey Ee Abaal-marintan Hanta Tan iyo sannadkii 1989kii.

Simon Mignolet oo Horey uso Xirtay Maaliaydda kooxda Liverpool ayaa waxa uu Bandhig Cajiib ah kasameyay horyaalka dalka Belgium, Taas oo u sahashay inuu kor u Qaado Abaal-marintan looga bartay weeraryahannada.

Marka Lajoogo Kubadda cagta, Abaal-marinta Golden Boot Waxaa la siiyaa dhaliyeyaasha Laakiin horyaalka Belgin Pro League, Wuu ka dugan Yahay Horyaaladda kale waxa uuna u Adeegsadaa Si kale iyaga oo siiya ciyaartoyga ugu wanaagsan sannadka, waana sababta uu Goolhayahaan uu ugu Guuleystay Abaal-marintan.

Goolhaye Simon Mignolet ayaa loo Aqoonsaday inuu Yahay Xiddigii ugu fiicna sannadki Tagay Ee 2022 horyaalka Belgian Pro Leagu, waxaana lagu Guddoonsiiyey Abaal-marinta Golden Boot iyadoo ay xaaskiisa Jasmien Claes garab Taagan Tahay.

Club Brugge ayaa sannadkan wacdaro ka dhigtay tartanka Champions League oo ay usoo gudbeen wareegga 16ka kaddib markii ay Gorup B ku garaaceen Atletico Madrid iyo Bayer Leverkusen.

Exit mobile version