Sanadkasta maanta oo kale ayey u dabaaldegaan ciidanka boolisku

Maanta waxay ku beegantahay sanad guuradii 80 aad ee ka soo wareegtay markii la aas-aasay ciidanka Booliska Soomaaliyeed 1943 dii. Munaasabad si weyn loo soo agaasimay ayaa maanta lagu qabtay Dugsiga tababarka Booliska Soomaaliyeed ee J.Kaahiye magaalada mogadisho.
Kulanka ayaa waxa ka soo qayb galay marti sharaf kala duwan sida saraakiisha ciidan booliska qaybihiisa kala duwan, mas’uuliin ka tirsan dowlada federalka Soomaaliya. sidoo kale munaasabada waxa marti ku ahaa taliyaha ciidanka booliska dalka Djibouti G/lle sare C/raxmaan Cali Kaahin, taliye xigeenka Ciidanka Booliska Itoobiya, Musfin Abebe Badeye.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheekh maxamuud oo munaasabada khudbad ka jeediyey ayaa yiri
Qiimaha askariga soomaaliyeed iyo qiyamka uu xambaarsanyahay waxa daliil u ah in maanta record-kii booliska soomaaliyeed bur-burkii dawladnimada ka bad-baaday, oo la helayo askarigii booliska ugu horeeyey file-kiisii. waa arrin farxad leh oo lagu faano oo ummadnimadeena ka turjumaysa.
Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday askartii ku geeriyootay iyagoo ku jira shaqada ciidanka booliska wuxu tilmaamay in nabadda iyo deganaanshaha ka muuqada caasimada ay iyagu sabab u yihiin, sidaas darteed ay mudan-yihiin la aqoonsado wax-qabadkoodii.


Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya sareeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa ka hadlay marxaladihii kala duwanaa ee Booliska soomaaliyeed soomaray.
Sanadkasta maanta oo kale ayaa la xusaa sanadguurada ciidanka Booliska Soomaaliya. sanadkan ayaa ka duwanaa marka la bar-bardhigo sanadihii hore.

Booliska ayaa u qaybsamo dhowr hogaan marka laga reebo taliska guud kuwaas oo kala :
- Hogaanka canshuuraha
- Hogaanka maaliyada
- Hogaanka isgaarsiinta
- Hogaanka tababarada
- Hogaanka nabad sugida
- Hogaanka denbi baarista
- Hogaanka nabad gelyada wadooyinka
- Hogaanka asluubta
Ciidanka Boolisku wuxu ka koobanyahay talis kala duwan oo ku fidsan dhammaan gobolada Soomaaliya Booliska ayaa qabta shaqooyin badan lakin mida ugu muhiimsan ayaa ah : ilaalinta sharciga iyo kala danbeynta.