Soomaalida waxa hadaladooda ka mid ah yaa deyn igu leh oo ula jedeen “xor baan ahay”
In ka badan 10 sanno oo xiriir ah waxa socday hanaanka deyn cafinta Soomaaliya, iyo sidii markale dalku u noqon lahaa mid aan wax deyn ah lagu lahayn.
Ugu danbayn Sanduuqa lacagta adduunka(IMF) iyo world bank ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya laga dhaafay lacag gaareysa $4.5B. talaabadan ayaa ahayd mid dadka soomaaliyeed si weyn u sugayeen.
Ku dhwaaqista deyn cafinta soomaaliya ee ka soo baxday IMF iyo World bank ee la soo dhigay barta X, ayaa sidan u qorneyd.
“Maanta waxa la gaaray barta guusha ee dhamaystirka sidaas darteed sanduuqa lacagta adduunka (IMF) iyo world Bank waxay soomaliya ka dhaafeen 4.5 billion. Go’aankan wuxu fududaynayaa helitaanka ilo dhaqaale oo dheeraad ah, wuxu ka caawindoona dalka xoojinta dhaqaaalihiisa “.
kani waa madaxweynaha Soomaaliya oo isaga oo wejigiisa farxadi ka muuqato yiri:
“Waxan ugu hambalyeynayaa dedaalka iyo guusha dadka soomaliyeed maanta ay gaadheen oo ah in dalka laga cafiyey deyntii mudada dheer soo dabataagneyd. Adduunyadu abaalay nagu leedahay”.

Madaxweynaha ayaa xusay marxaladihii kala duwanaa ee hanaanka deyn cafintu soo maray.
“In ka badan 10 sanno ayey howshani soo socatay, waxay soo martay madax iyo maamulo kaladuwan oo dalka ka talinayey maanta ayey soo dhamaatay oo nakala cafiyey 5 tii billion. Waxa Nagu haraya wax yar”.
Go’aankani waa mid taariikhi ah oo Soomaaliya u horseedaya madaxbanaani dhaqaale iyo xiriir ganacsi oo soomaaliya adduunka la yeelato, sidoo kale u suuragelinya in dalku yeelankaro hanaan dhaqaale oo hormarsan.
Tani waa xaflad si weyn loosoo agaasimay oo madax badan oo Soomaaliyeed isugu yimaadeen gudaha magaalada muqdisho. dadkii ka hadlay waxa ka mid ahaa raysal wasaaraha soomaaliya Xamze abdi barre oo isagoo aad u faraxsan yiri :

“waxa laynga cafiyey $5.3B, micniheedu waa in ruuxwalba oo soomaali ah laga cafiyey caawa lacag ka badan $300 “.
Sida ay lacagaha ugu kala badnaayeen :
- Maraynaka = $1B oo dollar
- Ruushka = $650 milyan oo dollar
- Talyaaniga = 550 milyan oo dollar
- Faransiiska = $400 milyan oo dollar
Waxa jirta deyn ay dalalka carabta qaar ka mid ah ku lahaayeen sida :Sacuudiga , Ciraaq , Imiraatka carabta , kuwait , iyo ururka dalalka shidaalka soo saara ee OPIC , wadarta deyntaas ayaa gaareysa ilaa $900 milyan.
Lacagtan inteeda badan waa lacag dulsaar ah oo isbiirsatay kadib markii la bixin waayey.
Shacabka soomaaliyeed ayaa si weyn u soo dhaweeyey guusha deyn cafinta maanta la gaarey Madaxdii hore ee Soomaaliya, siyaasiyiin, dadka baraha bulshada caanka ka ah, ururada bulshada rayidka ah ,ganacsatda dhammaantood waxa ay si diiran u soo dhooweeyeen guusha soomaali gaartey.
