kani waa Gool hayihii noqday madaxweynaha. Ee dooda badani ka dhalatay doorashadiisa.
Magiciisu waa Javier Milei, 52 jir siyaasada ku cusub. wuxu helay in ka badan 50% codadkii la dhiibtay.
madaxweynaha cusub ee dalka Argentina ayaa loo doortay nin su’aalo badan layska weeydiinayo shakhsiyadiisa. iyo caafimaadkiisa dhanka maskaxda.
Wuxuu aha murashax u dhaqma qaab ka baxsan anshaxa siyaasada.
Wuxu sheegay inuu baa bi’in doono wasaaradaha. sida: wasaarada tacliinta ,caafimaadka ,sportska , hidaha iyo dhaqanka iyo bangiga dhexe.
Wuxuu balan qaaday inuu joojindoono lacagta dalka, Kuna bedelidoono dollarka mareykanka.
Intii uu ku jirey olalaha doorashada wuxu eedaymo kulul u soo jeediyey dalal badan, sidoo kale wuxu aad u taageeray Israel.
Wuxu yiri : ” xiriirka ayaan u jaridoona shiinaha iyo braziil wax faaiidaha male kuwaasi “
markale wuxu yiri i . ” Xubanaha jirka wa laga ganacsankaraa waa caadi aniga xubnahayga dad kale ayaa iska leh “.
Ninkan ayaa ku caanbaxay hadaladiisa kul-kul xiliga doorashada. xitaa labadiisa waalid eedayn ayuu u soo jeediyey isagoo yiri ” wax xiriir ah lama lihi waayo way i dhibi jireen markaan yaraa”.
Markii lagu dhawaaqay guushiisa wuxu is ku daray bood bood iyo qoobka ciyaar aan noociisa hore loo arag, dad badan ayaa shaki ka muujiyey xalaadiisa caafimaad ee dhanka maskaxda.
Javier Milei waxa uu ka tirsanyahay xisbiga midigta fog ee u ololeeya nadaamka liberalism-ka. dad badani waxay ku tilmaameen trumpkii 2 aad.
