Kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen oo Israel cunaqabtayn dhaqaale oo dhanka badda ah saaray sidee ?

Kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen oo Israel cunaqabtayn dhaqaale oo dhanka badda ah saaray sidee ?
  • PublishedDecember 12, 2023

Markabkan oo ka mid ah  kuwaa xamuulka qaada oo laga leeyahay wadanka Norway ayaa waxa lala beegsaday gantaal laga soo riday dalka yemen. kooxdan maamusha qaybo kamid ah wadanka Yemen  ayaa hore u afduubatay Markab uu leeyahay maalqabeen Israel u dhashay.

Markabkan oo lagu magacaabo STRINDA ayaa  shixnad  saliid ah u siday Israel. wuxuuna marayey meel 60 mile ka xigta dhanka waqooyi  marin-biyoodka baab El-mandab. Muddo 2 usbuuc ah waa markii 3 aad ee weerar lagu qaado markab gooshaya biyaha badda cas.

Sidan oo kale ayaa xuutiyiinta Yemen waxa ay weerar ugu qaadeen markab ganacsi oo lagu magacaabo M/V Central Park. Bilowgii bishan  December, waxa ay Xuutiyiintu gantaalayaal ku weerareen 3 doonyood oo badda cas marayey.

19-kii Nofembar, Xuutiyiinta ayaa weerar diyaarad helicopter ah ku qaaday markabka Galaxy leader, markab uu ka babanaayo calanka Bahamian, oo marayay badda cas. Xuutiyiinta ayaa wali gacanta ku haya markabka iyo 25-shaqaale oo  la socday.

Weerarka Xuutiyiinta ayaa salka ku haya dagaalka Israel ku soo qaaday marinka QAZA, waxay jawaab uga dhigeen gumaadka lagu hayo dadka reer falastiin.

Sabtidii aan soo dhaafnay xoogaga Xuutiyiinta ayaa sheegay iney beegsan doonaan maraakiibta ku  wajahan Israel ee maraya biyaha badda cas .arrintan ayaa cabsi xooggan ka abuuratay marin biyoodka bab El-mandab.

Bab-el-Mandeb waa marinbiyood muhiim ah oo isku xira badda cas iyo gacanka cadmeed, waxa mara doonyaha iyo maraakiibta ganacsiga. marar badan ayey Xuutiyiintu ku hanjebeen iney xirayaan hadii aaney Israel joojin weerarka ay ku hasyto marinka Qaza.

Ciidamada bada ee Mareykanka ayaa sheegay iney arrintan si dhow ula socdaan, sidoo kale af-hayeenka wasaarada gaashaandhiga ee mareykanka General Patrick Ryder ayaa yiri :  “arrintan si dhab ah ayaanu u qaadaneynaa, waxan wadatashi kula jirnaa dawladaha iskaashigu naga dhexeeyo adduunka oo dhan “.

    Safiirada Ingriiska u fadhida dalka Yemen Abda sherif ayaa sheegtay in weerarada Xuutiyiintu wiiqayaan nabad gelyada iyo sugnaanta cuntada dalka Yemen, 80% cuntada dalka Yemen waxay ka soo degtaa dekedaha badda cas.

    Khubarada amniga badaha ayaa sheegaya in xaaladani ay horseedi karto nabad gelyo xumo iyo dagaalka markaariibta iyo ganacsiga baddaha, taas oo saameyn ku yeelankarta nolosha dadka  gaar ahaan wadamada kulaala badda cas.

    Written By
    JiilPlus

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *