Mareykanka ayaa dhisaya ciidan isku dhaf ah oo badda cas gaaf wareegidoona

Mareykanka ayaa dhisaya ciidan isku dhaf ah oo badda cas gaaf wareegidoona
  • PublishedDecember 19, 2023

Mareykanka ayaa ku dhawaaqay iney dhisayaan ciidan isku dhaf ah oo ilaaliya maraakiibta ganacsiga ee badda cas isaga kala goosheysa, kadib markii ay bateen weerarada Xuutiyiinta Yemen la beegsanayaan gaadiidka shixnadaha sida ee u socda dhanka Israel.

Xoghayaha gaashaan-dhiga Mareykanka ayaa Lloyd Austin ayaa sheegay sababta 10-ka dal uga  qayb-gelayaan howl-galkan cusub ee ka bilowday badda cas.

wadamada doonaya iney ilaaliyaan xuriyada socdaalka ,waa iney isu yimaadaan si ay uga hortagaan caqabdaha jilaagan aan dawliga ahayn.”

Ciidankan isku dhafka ah ayaa waxa ka qayb qaadanaya dawladaha Kala ah : UK, Bahrain, Canada, France Italy, Holland, Norway, Seychelles iyo Spain. Ciidankan ayaa gaaf wareegidoona badda Cas iyo Marin-biyoodka Bab-el-Mandeb.

Arrintan ayaa ku soo beegantay kadib markii xuutiyiinta Yemen ay weeraro is daba joog ah ku qaadeen maraakiibta xamuulka qaada ee maraysa badda Cas, Qaarna af-duub u kaxaysteen.

Ciidamada badda ee UK, US ay sheegeen, iney bur-buriyeen 15 diyaaradaha drones-ka oo lagu soo weeraray maraakiibta maraysa badda cas.

Howl-galladan ciidan aya u muuqda  xiisad hor leh oo bilaabatay biyaha badda cas. dad soomaaliyeed ayaa weli xasuusan dhibaatooyinkii ay dhaxalsiiyeen hawl-galadii ciidan ee ka dhashay budhcad-badeeda Soomaaliya intii u dhexeysay 2007 -012 kii.

Cabsi weyn ayaa laga qabaa  in markale budhcad-badeedii  dib ugu soo rogaal-celiso  xeebaha Soomaaliya.

    Written By
    JiilPlus

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *