Waxay ahayd xil-dhibaankii ugu mudada dheeraa golaha shacabka Soomaaliya

Waxay ahayd xil-dhibaankii ugu mudada dheeraa golaha shacabka Soomaaliya
  • PublishedDecember 20, 2023

Allaha u naxariistee Waxaa goor-dhow magaalada Djibouti ku geeriyootay Wasiirkii Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Khadiijo Maxamed Diiriye.

“Inaa lilaahi Wa inaa Ileyhi Raajicuun.”

Khadiijo ayaa ahayd xildhibaankii ugu wakhtiga dheeraa Golaha Baarlamaanka Soomaaliaya. waxay ka mid ahayd weftigii uu hogaaminayey Raysal wasaaraha Hamze Abdi barre ee ka qayb-gelayey shirka cilmi-baarista ee mac-hadka Heritage oo ka qabsoomay dalka Dajouti.

Marxuumada ayaa siyaasada ku soo biirtay shirkii carta ee dib u heshiisiinta ahaa, kadibna lagu soo dhisay dawladii ku meel gaarka ahayd ee rayidka ahayd.

Waxay la soo shaqaysay dhammaan madaxdii soo martay xukunka soomaaliya  laga soo bilaabo dawladii cabdi qaasin salaad xasan.

Khadiija maxamed diiriye ayaa xilal kala duwan ka soo qabatay dawladihii u kala danbeeyey Soomaaliya.

Wasiirku xigeenka wasaarada warfaafinta soomaaliya ayaa xaqiijiyey geerida wasiirada kadib xanuun deg deg ah oo la soo dersay waxa lagu sameeyey qaliin.

War qoraal ah oo la soo dhigay barta facebook ee madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay tacsida geerida ku timi wasiirad khadiijo warka ayaa sidan u qornaa :

“Alle ha u naxariisto Marxuum Khadiijo waxay door weyn ka soo qaadatay dib u dhiska Jamhuuriyadda 3-aad ee Soomaaliya, iyadoo ka mid noqotay Baarlamaankii ugu horreyey burburka kaddib, tan iyo wakhtigaasna ka soo tirsanayd Golaha Shacabka.

”Sidoo kale, Xildhibaan Khadiijo waxay ahayd howlkar wasiir ka noqotay wasaaradu kala duwan, wakhti adagna u soo shaqeysay dalkeenna, kuna tilmaamnayd garab istaagga iyo u damqashada dadkeenna nugul, haweenka iyo dhallinyarada.”

Written By
JiilPlus

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *