Elon musk Oo U Baqay Wiilkiisa

Warbaahinta ayaa si weyn wax uga qortay maal-qabeenka adduunka ugu lacagta badan ee Ilon musk iyo wiilkiisa yar.

Elon musk ayaa inta badan waxa uu xambaarsanyahay wiil yar oo uu dhalay.

Wiilkan yar oo magiciisa la yiraahdo X ayaa caan ka noqday baraha bulshada sida Shirkadaha Aabihiisa. Elon Musk ayaa la safra wiilkiisa yar markast uu safar aado ama uu shirar ka qayb gelayo.

Kulan ay dhawaan wada yeesheen madaxweynaha dalka turkiga Recep Tayyip Erdoğan iyo Ilon musk oo xambaarsan ilmihiisa yar, Erdoğan ayaa ku yiri meeday xaaskaagi?

Elon musk ayaa ku jawaabay ” waxay joogta San Francisco, waan kala tagnay sidaas darteed anigaa daryeela wiilkayga.”

lakin arrinta hadalheynta dhalisay ayaa ah kadib markii Elon musk booqasho ku tegay xuduudka qaza ee isra’el xooga ku haysato isagoo la socda raysalwasaaraha Isra’el. markan waa keligiis oo wiilkii yaraa lama socon.

Dadka isticmaala barta X ayaa ka falceliyey, ninkan ayaa bartiisa X ku soo qoray
“Elon musk wiilkiisii yaraa isra’el uma soo kaxaysan sidii markii uu la kulmay erdugan, waayo isra’el waxay jecelyihiin in carruurta si khalad ah ku dilaan”.

Arrintan ayaa baraha bulshada si weyn u qabsatay, dad aad u fara badan ayaa ku tilmaamay Elon musk nin fahansan waxa jira dhulka Israel xoogga ku haysato. Halka qaar badan oo kale sheegeen in ELon musk u baqay wiilkiisa yar in lagaga dilo, sida carruurta kale reer falastiin loo gumaaday.

Waa sababta keentay in Elon musk wiilkiisa yar kaga yimaado mareykanka cabsi uu ka qabo in waxyeelo ka soo gaarto hadii uu israel u soo kaxaysto.

Dad badan oo warbaahinta wax ku qora ayaa sheegay iney tahay farriin dadban oo Ilon musk u diray madaxda Israel iney yihiin kuwo carruurta uun gumaada.

Exit mobile version