Waxa dhici karta in aanad wax badan ka ogeyn dadyowga ajaanibta ah ee ku nool Soomaaliya gaar ahaan caasimada mogadisho, lakiin waxa jira dad aad u tira badan oo ka soo jeeda wadamo kala duwan oo ku dhaqan magaalada mogadisho.
waxa jira jaaliyado ka soo kala jeeda dalalka carabta oo ku dhaqan Soomaaliya sida jaaliyada Syria Jaaliyada Masar, Jaaliyada Yemen, Jaaliyada Sudan iyo qaar kale.
Wixii ka danbeeye bur-burkii soomaaliya 1991dii, aad ayey u yareyd in la arko jaaliyado ku dhaqan soomaaliya, laakiin sanadahan danbe markii soomaaliya ay xasilooni siyaasadeed iyo mid dhaqaale heshay waxa usoo guurey dad tira badan oo dalal kala duwan ka soo jeeda, gaar ahaan wadamada carabta.
Jaaliyadaha carabta ee soomaaliya ku dhaqan ayaa ka qayb qaata horumarka bulshada sida waxbarashada iyo ganacsiga, caafimaadka iyo isdhexgalka bulshada. waxa la furey xaruma ganacsi oo ay leeyihiin ganacsato ka soo jeeda dalalka Carabta, sida Yemen iyo Syria, ganacsiyada ayaa isugu jira Hoteelo meherado cunto, Cusbataalo bixiya adeegyo caafimaad oo kala duwan.
Jaaaliyadaha Carabta ayaa ka qeybqaata xoojinta is dhexgalka iyo aqoon is weydaarsiga Somalida iyo carabta, sidaas darteed waxa dhowrkii bilood ba mar la qabtaa kulan aqooneed ay soo abaabulaan jaaliyadaha Carabta, kulamadaas ayaa waxa lagu gorfeeya dhaqanka taariihkhada soo jireenka ah ee soomaalida iyo dalalka carabta iyo iskaashiga dhanka ganacsiga iyo wax soosaarka.
Dr.mohmuud saalax oo ah gudoomiyaha jaaliyada Suuriya ee ku dhaqan Soomaaliya ayaa sheegey in muhiimad gaar ah u leedahay is dhexgalka walalaha soomaalida, wuxu intaas ku darey in dalalka carabta iyo Soomaalidu ay wadagaan wax badan oo xaga dhaqanka iyo qaab nololeedka ah.
Kulankii u danbeeyey ayaa waxa looga Hadley colaada ka taagan bariga dhexe gaar ahaan dhulka Falastiin ee Israel xoogga ku haysato. Kulanka ayaa lagu taageeray dadka reer falstiin ee xaq u dirirka ah.
Mudadii uu socday kulanka lagu garab istaagayo halganka dadka reer falsitiin ayaa lagu soo bandhigay muuqaalo documentary ah oo ka hadlaya taarikhda iyo halganka shacabka falastiin. muuqaalada kulanka lagu daawaday ayaa isugu jirey taarikh, suugaan, khudbado taageero ah.
Muqaaladii lagu dawaaday kulanka waxa ka mid ahayd hees soomaali ah, oo mageceedu ahaa waa boqol yuhuudaye, heestan waxa qaaday fanaanka caanka Xasan Aadan Samar.
