Goorma ayuu internetku adduunka ka go’ayaa ? maxay tahay sababtu?
Hadal heyn badan ayaa ka dhalatay warka sheegaya in Internetku ka go’ayo caalamka oo dhan marka la gaaro bisha October –November 2023 . warkan ayaa waxa sheegtay wakaalada saadaasha hawada ee Mareykan oo loo soo gaabiyo “NASA”.
NASA waxay sheegtey in ay dhici karto Duufaan xooggan oo la yiraahdo “Duufaanta Qorraxda” Duufaantani waxa ay ka soo bilaabmaysa Qorraxda, iyadoo dhulka saameyn xooggan ku yeelaneysa, wax ka dhalankara cilado ku yimaada isgaarsiinta adduunka iyo dayax gacmeeyada caawiya isgaarsiinta.
Duufaanta cadceeda waxa lagu micneeyaa qaraxyo xooggan oo ka dhallankara dusha sare ee cadceeda, waxayna sababi karaan Internet-ka oo xumaada, sidoo kale qul-qulka korontada oo go’a mudo dheer.
Cilmi baaris ay Jaamacada California soo bandhigtay oo cinwaankeedu yahay “Duufaanta cadceeda ee xooga badan waa dhammaadka Internet-ka adduunka “.
Cilmi baaristu waxa ay sheegtay in walxo danabeysan oo sida daruurta u soconaya ay fadhiisinayaan dhammaan qalabka internet-ku ku shaqeeyo.


Markii hadal heyntani soo shaac baxday oo baraha bulshada aad loogaga fal-celiyey ayaa wakaalada saadaasha hawada ee NASA waxa ay beenisay jiritaanka warkaas, wakaalada ayaa sheegtey in aan lahayn cadeyn kufilan oo muujineysa in Internet-ku adduunka ka go’ayo dhammaadka bisha October. wakaalada oo warkeeda sii wada ayaa intaas ku dartey “waa in aan la rumeysan hadalada ku tiri ku teenka ah ee aan xaqiiqada ku qotomin “.
Marka laga yimaado arrinta “Duufaanta Cadceedda” waxa jira wax yaabo kale oo sababikara in uu go’o Internet-ku, sida khalal ku yimaada shabakadaha internet-ka ama weerarada Internetka ee loo yaqaan (cyber-attacks), ama kooxaha abaabulan ee jabsada internetka “Internet hackers”.

Hadii ay dhacaan xaaladaha noocan oo kale ah shirkadaha internet-ka bixiya waxa ay leeyihiin nadaam ay iskaga difaacaan khataraha imankara.
Hadiiba ay run noqoto sheekadani saameyn noocee ah ayey adduunka ku yeelankartaa? waa hubaal in saameyn dhaqaale iyo mid xiriir ay ku yeelankarto adduunka oo dhan taasina waxa ay keeni kartaa in adduunku dib ugu noqdo qaab dhaqameedkii hore ee loo noolaan jirey ka hor internet-ka iyo Tignoolijiyada casriga ah.
Hadaba suuragal ma tahay in Soomaaliya Internet-ku ka xumaado ama ka go’o maxaa bedelkiisa noqonkara ?
