Qaabku mudaharaadku u dhacay waa mid aan hore loo arag

  • PublishedDecember 10, 2023

Dadka mudaaharadayaa waxay caan ku yihiin  qaylo, borrar  ay wax ku qoran-yihiin, Codbaahiyaal mararka qaar rabshado ayaa ka dhasha mudaaharaadka.

Mudaaharaadka waxa keena sabab sida dhibaato dhacday oo la rabo in wax laga qabto, ama xaalad siyaasadeed oo dalka ka jirta taas oo u baahan in dadweynuhu muujiyo rabitaankooda.

Dawladuhu ma jecla mudaaharaadka waayo waxay ka cabsi qabaan in dhibaato ka dhalato, sidaas darteed boolisku ma ogolaado  in banaan bax la dhigo.

Dal Khasta dastuurkiisa waxa ku qoran qodob qeexaya xoriyada hadalka iyo qofka muwaadinka ahi dareenkiisa ku cabirikaro qaabka uu doono sida: qoraal, banaanbax nabdoon, maqal iyo muuqaal intaba.

Sida ku cad qodobka 20 aad ee dastuurka soomaaliya, faqradiisa 1 aad “ Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu abaabulo, kana qaybgalo kulammo ama bannaabax oo si xasilooni ah cabasho loogu muujinayo, iyada oo aan oggolaansho loo baahnayn”.

Pro-Palestinian people converge on the White House to celebrate the mssacre of innocent women, children, elderly people. Not one mention of the terrorist acts, only celebration of them.

Mudooyinkan danbe waxa daafaha adduunka ka socday banaanbaxyo lagu taageerayo dadka reer falastiin ee weerarka ay ku hayso Israel, dadka ayaa qaarba si ku cabirayeen ra’yigooda.

Magaalada london waxa lagu qabtay mudaharaad  lagu taageerayo falastiin, waxayna aad ugu soo horjeedeen dalalka ku taageeray israel dagaalka. sida Mareykanka iyo wadamo kale.

Dadkan ayaa aragtidooda ku cabiray qaab la yaab leh, iyadoo soo qaatay boodhadh waa weyn oo ay ku  sawiranyihiin madaxda Israel iyo maraykanka, iyagoo  kab la dhacaya.

Arrinta la yaabka leh ayaa ah qaabka ay kabaha iyo wejiyada madaxda isugu  aadiyeen.

Dhaqanka dalalka carabta hadii ninku kab adeegsado waa meeshii u danbeysay xanaag wax uu la hadhayna ma jirto.

waa sababta ay caan u noqotay kabtii lagu tuuray madaxweynihii hore ee Maraykan George W. Bush markii uu ciraaq booqanayey  2008 dii.

Lakin Soomaaliya marka la joogo kabaha waxa adeegsada dumarka oo keliya marka ay dagaalamayaan.

Written By
JiilPlus

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *