Maxaad kala socotaa Roobabka xoogan iyo saameynta ay ka geysteen gobolada Soomaaliya.

Maxaad kala socotaa Roobabka xoogan iyo saameynta ay ka geysteen gobolada Soomaaliya.
  • PublishedNovember 9, 2023

Abaara hal saac oo duhurnimo waxa magaalada moqdisho ka curtay Roob laxaad leh ,kaas oo laga dareemay inta badan degmooyinka magaalada mogadisho.

Daadad aad u fara badan oo si xowli ah ku soconaya ayaa buux dhaafiyey wadooyinka isku xira magaalada taas oo keentay in hakad ku yimaado isku socod magaalaada , iyo ciriiri aad u daran .
Wadooyinka qaar biyuhu waxay qaadeen gaadiidka mooto bajaata iyo agab kale oo badan. Sidoo kale biyaha ayaa galay guryaha qaar laakiin ma dhicin wax khasaare nafeed ah.

Maamulka gobolka banaadir ayaa war ka soo saaray xaalada roobka iyo daadadka ka dhashay , gobolka banaadir ayaa magacaabay gudi gaar ah oo qiimeyn ku sameeya saameynta roobka ,sida uu sheegay gudoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyada ee gobolka banadir ,mr :Ciise maxamuud goobe .
Dhanka kale waxa socda abaabul sidii loogu gurman lahaa dadka ay saameeyeen fatahaadaha ka dhashay roobabkii ka da’ay gobolada dalka

.

France’s repeat of the 2017 runoff confirms Macron’s and Le Pen’s own political analysis: That the divide between the left and the right is no longer relevant in France and has been replaced by an opposition between a mainstream bloc that is pro-European and open to the outside world on one side, and nationalists on the other. Both candidates scored higher than five years ago, leaving the traditional right and left in an even more shambolic state than before. Macron went from 24 percent in 2017 in the first round to 27.6 percent Sunday and Le Pen went from 21.3 percent to 23.4 percent.

The gap between them is higher than last time around, showing that Macron has managed to drum up the most votes despite controversies in the campaign’s last mile, including over the state’s overuse of consulting firms. But the far-right bloc — Marine Le Pen, Eric Zemmour and nationalist Nicolas Dupont-Aignan combined — garnered than 30 percent of the total vote.

Maalamahan Roobab mahiigaan ah oo daadad xooogan wata aya ka da’ayey   magaaloyin badan oo ka tirsan gobolada soomoaliya  waxyeelona gaarsiiyey dadka sida : galkacayo ,baydhabo ,luuq ,baardheere , ceel waaq baledweyne iyo meelo kale.

Daadadka ka dhashay  Roobabka ayaa saameyn xoogan ku yeeshay  boqolaal kun oo dad ah ,meelaha  qaar dhimasho ayaa ka dhacday , halka magaalooyinka qaar laga barakacay  kadib markii biyuhu buux dhaafiyeen .
Sida ay sheegtay hay’ada OCHA  ee qaramada midoobay  in kabadan 700 kun oo qof ayaa ku waxyeeloobay  daadadka , dhimashada ayaa lagu sheegay ilaa 25 qof , dadka khatarta ugu jira daadadka ayaa gaaraya in ka badan   1.6 million oo qof.

Magaalooyinka ugu daran ayaa ah   B aydhabo   in ka badan 268 kun oo qof ayaa daadku saameyn ku yeesheen  , ku dhowaad  kun guri ayaa biyuhu  galeen .
magaalada gaalkacayo  22 kun oo qof ayuu saameyn ku yeeshay  roobku .in ka badan 6 kun oo guri ayaa daadadku galeen.
Magaalada luuq  100 k un oo qof ayey daadadku saameyeen  , waxa ka barakacay ilaa 30 kun oo qof . guryaha waxyeelada gaartay  waa 677 guri .
Magaalada Beledweyne  in ka badan 40 kun oo qof ayaa ku wax yeeloobay daadadka.

Baaxada roobabkan iyo daadadka ka dhashay ma aha kuwa hore loo arkay sida uu sheegay raysal wasaare ku xigeenka soomaliya.

Roobab xoogle ayaa weli ka da’aya meelo badan oo ka tirsan soomaaliya ,waxa laga cabsi qabaa  in fatahaaduhu sii bataan
hore ayey dawlada soomaaliya uga tigtey   fatahaado ka dhalankara roobab mahiigan ah kuwaas oo u eg dufaanta  EL-NINO.

ELNINO waa Dhacdo cimileed uu sababo kulaylka Badweynta bariga iyo badhatamaha badda Baasifigga oo la falgala jawiga  .  .dhacdadan ayaa sababi karta duufaano xoog badan ama abaaro aan hore loo arag  adduunka oo dhan.

Khubarada  sayniska  ayaa aaminsan   in xaaladaha isbedelka cimilada  adduunka ay sababtay  korodhka  heer kulka ,qabawga ,roobabka iyo duufaanada  si is daba joog ah uga dhacaan  meelo badan oo adduunka ka mid ah.

Written By
JiilPlus

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *