Musharaxii madaxweyne ee geeriyooday isagoo ku jira ololihiisa doorashada
Wuxu ahaa Musharax madaxweyne oo u tartamaya inuu ku guulaysto madaxtinimada Puntland, lakin qadarta alle ayaa ka soo hormartay hamigiisa.
Xaflada soo dhowntiisa ayaa socotay maanta magaalada Qardho ee xarunta gobolka kar-kaar.
Kani waa suldaan cabdicasiis maxamuud Af-guduud Oo maanta shil gaari ku geeriyooday, Marxuumka ayaa ahaa siyaasi si weyn looga yaqaaney deegaanka Puntland sidoo kale ka mid noqday bahda dhaqanka Soomaaliyeed.
Dhowaan ayey ahayd markii uu ku dhawaaqay inuu yahay mushara madaxweyne isagoo tilmaamay inuu yahay musharaxa ugu mudan in la doorto.
Hadaladiisii caanka noqday waxa ka mid ahaa “dadka ila sharaxan waa ina soo xukumeen, lakin maanta anigu waxan u taaganahahy inaan Idinka idin xukumo.”
Maanta ayuu shil gaari ku dhintay meel u dhow magaalada qardho.
Dhacdadan ayaa noqotay mid dadku si weyn u hadal-hayaan gaar ahaan baraha bulshada.

Shilalka baabuurta ayaa aad ugu badan gobolada Puntland taas oo keenta khasaare nafeed oo tira badan sanadksta. sababaha shilalka dhaliya ayaa ah : wadooyinka oo bur-bursan iyo wadayaasha baabuurta oo aan taxadar badan muujin marka ay ku socdaalayaan wadooyinka dhaadheer.
