Garoomada diyaaradaha ugu wanaagsan adduunka iyo kuwa ugu xun oo la sheegay ?

Garoomada diyaaradaha ugu wanaagsan adduunka iyo kuwa ugu xun oo la sheegay ?
  • PublishedDecember 23, 2023

Sida ay sheegtay wakaalada wararka ee bloomberg, shirkada airHelp waxa ay ka shaqaysa u qareemista rikaabka diyaaradaha hadii dhibaato  ku timaado, sida dib dhaca jadwalka duulista ama duulimaadka joogsada, alaabta lunta iyo wixii cabasho ah ee la xiriira diyaaradaha iyo garoomada.

Sanadkasta shirkadani waxay soo-saartaa qiimeyn ay samaysay in ka badan 400 goroon, iyadoo looo eegayo hal-beegyada caalamiga ah ee garoomada iyo duulimaadkooda, si loo ogaado garoomada ugu adeegyada wanaagsan ama kuwa  ugu adeegga xun.

Garoomada ayaa lagu qiimeeyaa ilaalinta jadwalka shaqada ee duulista iyo adeegga shaqaalaha garoonka, sida xalinta caqabadaha iyo fududaynta shaqooyinka deg-dega ah, ka jawaabista baahiyaha dadka ku socdaalaya garoonka.

Qiimeynta sanadkan waxa ku soo baxay 10 garoon loo doortay kuwa ugu wanaagsan adduunka oo dhan. qiimeyntan ayaa ka  soo bilaabatay 1 January2023 -30 September2023. Intii qiimeyntu socotay waxa la wareystay dad musaafiriin ahaa oo gaaraya 15800 qof.

Naatijada qiimeynta ayaa lagu dhawaaqay , kuwani waa 10-ka garoon ee ugu wanaagsan adduunka:

  •      1.  Muscat International Airport, Oman (MCT), saladanada cumaan.
  •      2. Recife/Guararapes–Gilberto Freyre International Airport, Brazil
  •      3. Cape Town International Airport, South Africa
  •      4. Brasília–Presidente Juscelino Kubitschek International Airport, Brazil .
  •      5. Doha Hamad International Airport, Qatar.
  •      6. Osaka Itami International Airport, Japan.
  •      7. Belem/Val-de-Cans International Airport, Brazil.
  •      8. Belo Horizonte Tancredo Neves International Airport, Brazil.
  •      9. Tokyo Narita International Airport, Japan .
  •     10. Amami Airport, Japan.

Waxa jira garoomo dhowr jeer ka soo galay liiska garoomada ugu wanaagsan adduunka Brazil iyo Japan ayaa ugu badan. qaarada Africa hal mid ayaa kaga jira 10 ugu wanaagsan.

Dhanka kale shirkada airHelp ayaa soo-saartay 10-ka garoon ee ugu xun adduunka :

  • 1. Banjarmasin Syamsudin Noor International Airport, Indonesia
  • 2. London Gatwick Airport, UK .
  • 3. Lisbon Humberto Delgado Airport, Portugal.
  • 4. Belgrade Nikola Tesla Airport.
  • 5. Denpasar International Airport, Bali .
  • 6. Toronto Pearson International Airport .
  • 7. Sofia Airport, Bulgaria .
  • 8. Marseille Provence Airport, France.
  • 9. Halim Perdanakusuma International Airport, Indonesia.

Sida shirkadu sheegtay 10 airport ayaa noqday kuwa ugu hooseeya dhanka adeegga iyo daryeelka dadka ku safraya, lakin shirkadu ma sheegin ciladaha gaarka ah ee lagu arkay garoomadan.

  •  

Waxa jira garoomo waa weyn qiimeynta meel hoose kaga jira sida garoonka Dubai airport iyo heathrow airport.

Written By
JiilPlus

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *