Shacabka wadanka masar ayaa codkooda dhiibanayaa maalintii 2 aad, si ay u kala doortaan 4 musharax oo ku loolamaya xilka madaxtinimada dalka masar.
Sida ku cad dastuurka dalka masar madaxweyne kasta wuxu xilka haynayaa mudo 6 sanno ah laga bilaabo maalinta la doortay.
Cod bixinta ayaa soconaysa 10,11,12 December, dadka codayn kara ayaa tiradooda lagu qiyaasayaa in kabadan 67 milyan oo cod bixiye. goobaha codbixinta ayaa garayaa in ka badan 9376 xarumood.
Doorashadan ayaa waxa ku tartamaya 4 musharax oo kala ah :
- 1. Abdel fattah al sisi, oo ah madaxweynaha hada xilka haya.
- 2. Fariid zahrani oo ka sharaxan xisbiga dimuqradiyada bulshada masar .
- 3. Abdi sanad yamamah, oo ka sharaxan xisbiga Al-wafd.
- 4. Xaazim cumar, oo ka sharaxan xisbiga dadka ee jamhuriga.
Madaxweynaha xilka haya Abdel fattah al-sisi ayaa ugu cad cad sida ay sheegayaan ila wareedyo xog ogaal ah.
Doorashada dalka masar ayaa si weyn isha loogu hayaa, gaar ahaan wadamada qaarada Africa.
Tani waa doorashadii ugu waqtiga dheerayd, marka la bar-bar dhigo doorashooyinka adduunka, waxay soo dhammaaneysa maalinta beri ah.
